X

Facebook oo Ballanqaadday in ay ka Qaybqaadanayso Daawaynta Cudurrada Adduunka ugu Khatarsan

Warbixin ka soo baxday shirkadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayaa iftiimisay in isticmaalayaashiisu gaadheen 1.65 bilyan oo qof, kuwaasoo ay xuseen inay celcelis ahaan shabakadooda adeegsadaan 15kii daqiiqo ee kastaba.
Mulkiilaha shabakadda Facebook Mr. Mark Zuckerberg, ayaa ballanqaaday inuu ka qaybqadanayo dhinaca caafimaadka dadweynaha adduunka, gaar ahaan sidii dawooyin loogu heli lahaa cudurada halista ah ee ka jira dunida waqtigan, isagoo tilmaamay in shirkaddiisa oo hadda jirtay 12 sanno ay hesho dakhli dhan $1.51 bilyan oo doollar, marka lagu daro adduun gaadhaya $512 milyan oo doollar oo ay heshay sannadkii hore ee 2015 oo qudha.
Ninkan aasaasaha ka ah Facebook, ahna Agaasimaha Guud (CEO) ee shirkaddaas Mr. Mark Zuckerberg oo ka hadlay horumarka shirkaddiisu gaadhay, ayaa sheegay in uu u baahan yahay sidii uu waqtigan uga qaybqaadan lahaa hawlaha adduunka ka socda, wax nasasho ahna aanay shirkadiisa u oolin.
“Waxa jira loollanno badan oo caalamiya, kaasoo aan dareemay masuuliyadda xallintooda,” ayuu yidhi Mark oo la hadlay saxaafadda caalamka oo Jamhuuriya soo xigtay, isagoo sheegay inuu doonayo sidii uu caawimo ugu darsan lahaa daawaynta cudurrada adduunka ka jira dhammaadka qarnigan, waxaannu sidoo kale ballanqaaday inuu ka qaybqadanayo kor u qaadista tacliinta iyo waliba ka hortaga dhala-gediska dad sameega ah ee cilmilada.
“Waxaannu sannadkan leenahay wax badan oo aannu bilaabayno. Waxa aannu hadda leenahay in ka badan 1.65 bilyan mamiil, in ka badan bilyan qofna waxa ay naga soo booqdaan moobillada. Waxa aannu hadda diiradda saaraynaa khariidad-qorsheedka (roadmap) 10ka sanno ee soo socda si aan qof kasta oo adduunka ah u siinno awood uu qof kasta oo uu rabo kula wadaagi karo waxa uu damacsan yahay. Wax kasta oo aan Facebook ka samayno waxay ku astaysan tahay hawshayada aannu adduunka ku xidhiidhsiinayno.
“Shirkadda Facebook oo kaliya maanta kuma halwalin, balse waxa aan ku hawlanahay waxa bulshadu u baahan tahay. Waxa kale oo jira waxyaabo aan dareemo masuuliyadeeda in ay I saaran yihiin wax ka qabashadooda. Sida ka qaybqaadashada daawooyinka lagaga hortagayo cudurrada adduunka ka jira qarnigan dhammaadkiisa, in tacliinteena kor aan u qaadno si arday kasta awoodaas u helo, taasina waa sababta aan anniga iyo Priscilla u samaynay hay’adda gargaarka ee Chan Zukerber Initiative.” ayuu yidhi Zuckerberg.
Shirkadda Facebook waxa ay leedahay 1.65 bilyan isticmalaal ah, Whataspp waxa bishiiba soo booqda 9 milyan, halka Facebook Messenger app ay soo booqdaan 900 milyan, waxa kale oo Instagram booqda 400 milyan oo qof, waxayna Shirkadda Facebook noqotay mid ay ku xidhan yihiin dadweyne aad u badan oo caalamka oo dhan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/