X

Dood ka Dhalatay in Imaamyadu Khudbadaha Jimcaha ka Akhriyaan Qalabka Tignoolojiga Casriga ah

Araweelo News Network

Imaamyada iyo culimada masaajidada boqortooyada Sucuudiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyey aad ula qabsaday isticmaalka tiknoolajiga casriga ah, iyagoo adeegsada waqtiyada ay ku jiraan hawlaha dacwadda Islaamka, halka sidoo kale qaar badan oo ka mid ahna ay khudbadaha Jimcaha ka akhriyaan telefoonnada casriga amma iPads.
Hase yeeshee, waxa arrintaas dood ka keenay culimo kale oo khabiiro ku ah diinta Islaamka, kuwaasoo sheegay in aanay sax ahayn in qalabka tignoolojiga casriga ah laga akhriyo khudbadaha salaadda Jimcaha.
Sheekh Khalid Al Faris oo ah imaamka masaajid la yidhaa Umm Ibrahim Al Faris oo ku yaal magaalada Najran ee Sucuudiga, ayaa isticmaalka qalabka tiknoolajiga sida telefoonnada, kombuyuutarada amma iPads waqtiyada khudbadda Jimcaha lagu guda jiro u haysta in ay khalad tahay, isagoo sheegay inay haboontahay isticmaalka waraaquhu sax yihiin.
“Muuminiintu waxa ay masaajidka u yimaadaan cibaado, waana in dareenkooda la ixtiraamo. Haddii aad khudbada Jimcaha ka akhrido iPads oo aad isaguun hoos u eegto waa ixtiraam-darro,” ayuu yidhi Sheekh Al Faris.
Sidoo kale, Sheekh Siciid al Jalil oo ah imaamka masaajidka Al Zubair Bin Al-Awan, ayaa sheegay in tayada ugu muhiimsan ee imaamku tahay awoodda uu ku kasbanayo quluubta iyo maskaxda muuminiinta, gaar ahaan xilliyada lagu guda jiro khudbadda salaadaha Jimcaha.
“Imaamka waqtigiisa dhabta ah waa marka uu soo istaago fagaaraha (minbarka), kolba inta codka imaamku caadi amma dabiici noqdo ayaa sabab u ah inuu saamayn xooggan ku yeesho dadka. Waa sax in laga akhriyo khudbadda waraaq, balse in tiknoolajiyad masaajidka loo qaato waxay noqonaysaa mid dadka jaha-wareerinaysa,” ayuu yidhi Al Jalil.
Ku-xigeenka Agaasimaha Arrimaha Islaamka ee Xarunta Najram, Sheekh Axmed Talibi, ayaa sheegay in Wasaaraddu oggolaatay in imaamyada masaajidadu isticmaalaan iPads-ka marka ay jeedinayaan khudbada Jimcaha.
“Ma jirto sabab loogu diido imaamyada in ay isticmalaan iPads iyo waxyaabaha la midka ah. Qaar badan oo ka mid ah way isticmaalaan markay joogaan meelo badan oo boqortooyada ah. Wasaaraddu waxay si dhaw u kormeertaa dhaqdhaqaaqyada imaamyada. Waxa ay ka rajanaysaa inay waajibaadkooda si sharaf leh u gutaan, laakiin isticmaalka tiknoolajiyaddu ma saamaynayso tayada shaqadooda wax kasta oo ay noqotaba,” ayuu yidhi Talibi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post