X

Dhibaatooyinka Isticmaalka Facebook Iyo Digniino Laga Soo Saaray

Araweelo News Network

Copenhagen (ANN)- Baadhitaano Daraasado la sameeyay oo la xidhiidha Isticmaalka shebekadda Facebook, ayaa ka digay dhibaatooyin ay la kulmi karaan dadka isticmaala.
Daraasada, ayaa sheegtay in waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ay kuu keeni karto dhibaatooyin ay kow ka yihiin Masayr iyo in aad ku faraxsanaan waydo noloshaada iyo waaqica dhabta ah ee aad ku nooshahay.

Warbixinta Daraasaada oo ay samaysay Jaamacada Copenhagen, ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr iyo arrimo kale. Sidaa awgeed waxay warbixinta daraasadu ka digtay dhibaatooyinka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan la lahayn xidhiidhka.

Daraasada, waxa ka qayb qaatay 1,000 qof oo u badan dumar, kuwaas oo sida daraasadu sheegtay in “isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada. Sidoo kale waxa Daraasaadu ku talinaysaa in laga nasto barta bulshada.
Baadhayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata marka uu qofku aad u daawado, dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, taas oo ay keenaysa nolol khiyaali ah oo la isbarbardhigayo nolosha iyo marxalada uu qofku ku jiro xiligaa.

Daraasada , ayaa ku talisay in ay wanaagsantahay in aanad rumaysan waxyaabaha lagu baahiyo inta badan ee khayaalka ah, ama aad yarayso isticmaalka, sidoo kale daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyberpsychology, ayaa ku talisay in sida loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, ay tahay in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, am aka badan oo laga nasto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/