X

Dawladda Sucuudiga oo Samaysatay Magaalo Baraf Ah

Araweelo News Network

Riyadh Snow city

Riyadh(ANN)Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan Badhasaabka degaanka Riyadh Mr. Al Othaim Leiure iyo shirkad kuwa dalxiiska ah, ayaa ku dhawaaqay inay dhammaystireen magaalo baraf leh (Snow city) oo dalkaas laga hirgeliyey, waqtigana ay ku jirto diyaar garayntii ugu dambaysay.
Masuulkan oo saxaafadda la hadlay Axaddii, ayaa sheegay in magaaladan barafka ah (Snow City) loo sameeyey hab casri ah oo la dheeli tiray barafka ka da’aya si aan dadku wax ugu noqon, waxana loogu talogalay in si rasmi ah loo furo 13 July 2016 oo ku beegan Arbacada berri, iyadoo dalxiisayaashu ka heli doonaan degaan qabow ah si dadka Sucuudigu markii ugu horraysay ku raaxaystaan baraf boqortooyadooda dhexdiisa ah. Dadka magaaladan booqanaya waxay ka heli doonaan baraf saddex celcius heerkulkiisu yahay sannadkii oo dhan.
“Waa soo jiidasho dalxiis oo boqortooyada dhexdeeda, kana mid ah higsiyada 2030 la doonayo in la gaadho iyo waliba in dawladdu samayso goobo barakaysan oo dadku ku cibaadaystaan, iyadoo loogu talogalay in kor loo qaado dalxiiska gudaha Sucuudiga. Tani waxay soo jiidan doontaa dad badan, dhaqaalana boqrotooyada way u soo jiidaysaa si shaqo-abuur loo sameeyo, dhaqaalaha dalkana kor loogu qaado.” Sidaa waxa yidhi Mr. Fahad Bin Cabdullah Al Othaim oo ah Agaasimaha Fulinta shirkadda arrintan ka masuulka ah.
Waxa uu Al Othaim sheegay in magaaladan laga dhisay goob 5000 mitir oo laba jibbaaran ah, taasoo qiimaha ku baxayna uu dhan yahay 100 milyan oo riyaalka Sucuudiga ah, iyadoo qaadaysa dad tiradoodu dhan yihiin 350 qof. Waxa kaloo uu xusay in magaaladan dadku ka helayaan waxyaabo badan oo ay ku mededaalaan, sida biriishyo, baabuur baraf ah, ciyaaraha kala duwan ee barafka lagu ciyaaro, moobillo qabowga badan u adkaysanaya iyo waxyaabo aad u tiro badan.
Waddamo badan oo Yurub iyo Eeshiyada ah waxa dadkoodu aad uga cawdaan qabowga barafka, sida dalka Ruushka oo waqtiyada qaar muwaaddiintiisu baraf dartii uga baxaan dalka, halka Sucuudigu dadkiisa u raadinayo baraf ay ku ciyaaraan, kuna dalxiisaan.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/