X

Daraasad Iftiimisay in Caadaysiga Tiknoolajiyaddu Xumayso Xidhiidhka Waalidka iyo Ubadkiisa

Araweelo News Network

Ma aha oo kaliya carruurta kuwa qabatima tiknoolajiyadda, balse waalidka laftiisana waa kuwo aad u isticmaalka, taasina waxay keentaa khilaaf ka dhex abuurna in qoyska marka ay meel wada joogaan ee waqti wada qaadanayaan.
Cilmi-baadhis cusub ayaa badka soo dhigtay in waalidka isticmaala qalabkooda sida kombuyuutarka amma telefoonka marka ay ubadkooda waqti la qaadanayaan is-nacaan amma is-khilafaan ubadkooda, xidhiidhkooduna daciifo.
Cilmi-badhayaashu waxa ay soo jeediyeen in waalidku joojiyo ku-mashquulidda telefoonka, kombuyuutarka iyo internet-ka, xidhiidh dhawna la yeeshaan ubadkooda.
Waxa kaloo daraasaddu sheegtay in waalidku internet-ka, telefoonnada iyo qalabkooda kale ee tiknoolajiga isticmaalaan waqti lagu qiyaasay ugu yaraan saddex saacadood maalin kasta, iyagoo waliba ku cawda in ubadkoodu aad ula qabatimeen qalabkan, halka cilmi-baadhis horena muujisay in ubadku aaminsan yihiin in 34% waalidkoodu ka isticmaal badan yihiin amma la qabatimaan tiknoolajiyada casriga ah.
Haddaba, daraasad ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Machigan Health System, ayaa lagu ogaaday in tiknoolajiyaddu tahay waxa xumeeya xidhiidhka qoyska iyo hab-nololeedka waalidka iyo ubadkiisa.
“Waalidku waxay si joogta ah u dareemaan in ay masuul ka yihiin wax ka badan hal goob, iyagoo xaaladdii waalidnimada ku jira, waxay ku jiraan baraha bulshada, waxay isku dayayaan in ay cunto kariyaan, ubadkooda la joogaan, hase ahaatee inta ay ubadka iyo xaaladda waalidnimo ku jiraan ha ka fogadaan shaqada iyo waxa kala fogaynaaya ubadka si ay isu dareemaan,” ayuu yidhi Jenny Radesky oo ah khabiir dabeecadda iyo hab-dhaqanka carruurta ku takhasusay, kana tirsan Jaamacadda Michigan.
Waxa kooxda cilmi-badhayaashu xuseen in dadka daraasadda laga sameeyey sheegeen in mar kasta oo ay ku mashquulaan tiknoolajiyadda sida in ay eegaan moobilayka oo ka hubsadaan macluumaad shaqo keento in iyaga iyo ubadkoodu kala fogadaan, dareen ahaanna aanay isu uur-samaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/