Araweelo News Network

Araweelo News Network

magaalada Ho Chi Minh ee koonfurta Vietnam.

Ho Chi Minh(ANN) In ka badan 500 oo ganacsi oo cusub ayaa xarun ka dhigtay magaalada Ho Chi Minh ee koonfurta dalka Vietnam, taas oo dalkaa ka dhigtay mid astaan u ah inuu xarun u noqdo teknoolajiyada casriga ah.

“Vietnam waxay labaatankii sanno ee ugu danbeeyay noqotay mid ka mid ah waddamada suuqoodu uu kordhayo ee adduunka.” sidaa waxa yidhi Mr. Eddie Thai oo ah ganacsade dhalasho maraykan ah haysta oo ka hadlay arrinta lama filaanka ah ee horumarka dhinaca teknoolajiyada ee dalka Vietnam.

Daarta dheer ee 68-da dabaq ee Bitexco oo xarun u ah bangiyada ayaa ka mid ah daaraha dheer dheer ee ku yaal Ho Chi Minh city.

Daarta dheer ee 68-da dabaq ee Bitexco oo xarun u ah bangiyada ayaa ka mid ah daaraha dheer dheer ee ku yaal Ho Chi Minh city.

Eddie Thai iyo Binh Tran, waxay labadooduba haystaan dhalasho Maraykan ah, waana laba ganacsade oo xiligan xarunta Silicon Valley ee shirkadaha teknoolajiyada ee California.

Labada nin ee dhalinyarada ah ee Binh Tran iyo Eddi Thai, ayaa wax ka aas aasay shirkadda teknoolajiyada ee Klout, taasoo lagu iibiyay $ 200m sanadkii 2014.

Mr. Eddi Thai, wuxuu wax ku bartay jamacaddaha Harvard iyo Yale. Laakiin isaga iyo saaxiibkii Tran labadooduba waxay go’aan ku gaadheen inay shirkadooda ku aas aasaan meel ka fog California oo ah dalka Maraykanka ee ay ku yaalaan shirkadaha teknoolajiyada ee Google, Apple iyo Facebook.

“Toban sanno ka hor waxaa jiray oo kaliya Afar milyan oo qof oo isticmaala internetka. Hadda waxaa isticmaala 40 milyan oo qof. Toban sano ka hor ma jirin dad isticmaala smartphone. Hadda waxaa jira 30 milyan oo isticmaala smartphone. sidaa waxa yidhi Mr. Eddi Thai

Eddie Thai iyo Binh Tran

Eddie Thai iyo Binh Tran


Hadaad eegtid waxbarashadda Vietnam wax aqriska, xisaabta iyo sayniska waxay ka horaysaa waddamada sida Maraykanka iyo UK. Taas ayaa ah aas aaska maadada komputer sayniska ee ay Viatnam ku hormartay. ayuu yidhi Mr. Eddi Thai

Dadka qaar ayaa waxay aaminsan yihiinin Vietnam oo ah waddan hantiwadaag ah, inay noqon karto meesha labaad ee teknoolajiyada xarunta u ah sida Silicon Valley ee Maraykanka.

“Hadaad halkan joogi lahayd lix bilood ka hor, halkan waxay ahayd Beer Bariis ka baxo” sidaa waxa yidhi, Hieu Minh Nguyen, isagoo ka hadlaya meel u dhow magaalada Ho Chi Minh City ee Koonfurta Vietnam.

“Lix bilood gudahood waxaa laga dhisayaa Saigon Silicon City halkan. Waxaan dhisi doonaa daaro dhaadheer, wabiga agtiisa waxaan ku samaynaynaa xadiiqooyinka dadka ay ku nastaan, meel lagu ciyaaro ciyaaraha golfka, tenniska iyo waxyaabo kala duwan oo lagu maadadaasho”. ayuu yidhi, Hieu Minh Nguyen.

Laakiin Mr Hieu, oo ah maalqabeen reer Viatnam ah oo Maraykan ah, isla markaana madax ka ah mashruuca ayaa aaminsan inay dhacayso In lagu hamiyo xarunta labaad ee Silicon Valley, taasoo uu sheegay inay tahay wax weyn.

Shirkaddaha caanka ah ee Samsung iyo Intel ayaa xafiisyo ku leh Ho Chi Minh City oo ah xarun shirkadaha teknoolajiyada. Waxaa shirkadahaa soo jiidatay shaqaale wax bartay oo dhalinyaro ah iyo canshuur dhimis loo sameeyay, taas oo ku khasabtay inay u doortaan halkaa inay xarumo ka samaystaan, isla markaana maalgashi ka samaystaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409