X

Cilmi-badhayaal Sheegay inay Heleen Meere Yar oo Hawada Sare ka Jira

Araweelo News Network

Cilmi-badhayaal hawada sare (Space) baadhitaan ku sameeya, ayaa sheegay in ay heleen mere yar oo la mid ah meeraya la yidhaa Orbital.
Meerahan ayaa ay sheegeen inuu jiro 10 milyan oo sanno, isla markaana uu dhexmaro dhulka iyo meerayaal yar yar oo kale oo hawada dulmara.
Meerahan oo ay u bixiyeen magac (2MASS J11193254−1137466) ayey sheegeen in ay heleen khubaro waqooyiga Maraykanka ah (North American Researchers), iyagoo xusay inuu yahay inuu yahay meeraha labaad ee iskii iftiinka u bixiya oo hawada heehaabaya sida ay ku daabaceen wargeyska Cosmo Magazine maalintii Isniinta ee toddobaadkan.
Meerayahan yar oo afar ilaa siddeed jeer inta u dhexaysa ka yar meeraha Jupiter oo ah meeraha ugu ballaadhan ee ku yaal qorraxda (solar System), balse aan isagu lahayn xiddig weyn amma cadceed.
Cilmi-badhayaashu waxay inta badan indhaha ku hayaan meerayaasha ay is yidhaahdaan way soo kordheen, waxaanay meeraha 2MASS ee ay heleen ku sheegeen inuu yahay mid qabaw, heer-kulkiisu hooseeyo, hawadiisuna aanay lahayn cadaadis.
Saynisyahanno Kanadiyaan ah ayaa aaminsan in meerahan oo aan lahayn cadceed uu ka caawin doono in ay wax badan ka ogadaan meerayaasha ka baxsan qorraxda, waxaanay tilmaameen in meerahan uu leeyahay laydh u goonni sida ay ku ogaadeen macluumaad ay ka heleen xarunta hawada Maraykanka ee NASA.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post