X

Cilmi-baadhis: Isticmaalka Facebook oo Dadka ka Dhiga Kuwo Kelinimada Jecel, Cadhaduna Ku Badan Tahay

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis cusub oo la soo bandhigay, ayaa lagu ogaaday in isticmaalka mareegta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook, ay dadka ka dhigto qaar kelinimada jecel oo cadhaduna ku badan tahay, sida cilmi-baadhis cusub soo bandhigtay.
Cadhadan ayaa khubarada daraasadda samaysay ku sababeeyeen in ay keento kadib marka qofku uu naftiisa barbardhigo asxaabtiisa horumarka samaysay ee ka fiican, iyadoo cilmi-baadhayaashu ku doodeen in qofku marka uu arko sida wanaagsan ee saaxiibkii ama dadka ay asxaabta yihiin faalada togan iyo badhanka (Like) loo siinayo ay keento inuu naftiisa u qaato in ay tahay mid aan qiimo dadka kale la lahayn.
Mac-hadka Cilmi-baadhista Farxadda ee Denmark (Happiness Research Institute), ayaa xog uu ka ururiyey 1,095 qof oo Denmark gudahiisa ku hool, ayaa ay ka soo baxday in dadka facebook aadka u isticmaala ay cadhada iyo kalinimo soo wajahdo.
Xogta dadka laga ururinaayey oo kala badh ka mid ah laga codsaday in ay joojiyaan muddo toddobaad ah isticmaalka facebook-ga, halka kuwa kalena loo ogolaaday in ay si caadi ah isaga sii wataan Facebook, ayaa muddo toddoba maalmood ah kadib waxa la ogaaday in dadkii aan Facebook galin ay farxadoodu qiyaastii noqotay 8.12, halka kuwa isticmaalayeyna aanay waxba iska beddelin, laguna cabbiray inay farxadoodu noqotay 7.4 .
Sidoo kale, dadka joojiyey muddadaas waxa ay noqdeen kuwo firfircoon oo noloshooda horumarkeeda ka shaqeeyey, cadhada iyo kalinimadu ku yar tahay, hawlo badan oo ka qabyo ahaana dhammaystay.
Mr. Meik Wiking oo ah Agaasimaha Fulinta Mac-hadka Cilmi-baadhista Farxadda ee Denmark, ayaa sheegay in tijaabadan natiijada ka soo baxday ay muujisay dhibaatada baraha bulshada lagu kulma keenaan.
“Facebook waxa uu beddelaa hab nololeedkeena caadi ah iyo sida aynu isu aragno. Waxa aynu ku xisaabtanaa sida aynu nolosha noqonayno inagoo is barbardhigayna dadka kale, taasina waxay inagu keenta arrin aan fiicnayn oo khatar ku ah nolosheena,” ayuu yidhi Mr. Meik Wiking.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/