X

Cilmi-baadhayaal Helay Muusigii ugu Horreeyey ee Kombuyuutar Lagu Kaydiyo

Araweelo News Network

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka New Zealand, ayaa sheegay in ay dib u soo celiyeen (restored) muusigii ugu horreeyey ee kombuyuutar lagu kaydiyo oo la sameeyey sannadkii 1951kii, waxana lagu sameeyey mishiin kombuyuutareed aad u weyn oo uu ikhtiraacay nin la odhan jiray Alan Turing oo ahaa qof aad garaadkiisu u sarreeyo.
Muusigan oo khubaradu sheegeen inuu jidka u xaadhay in la yagleelo qalab muusiga hadda lagu tumo badankiisa, gaar ahaan ka elaktarooniga waxa uu ahaa heesta calanka boqortooyada Ingiriiska ee “Alle ha badbaadiyo boqorka” (God Save the King).
Cilmi-baadhayaashan oo ka tirsan Jaamacadda University of Coterbury (UC), ayaa sheegay in muusigan uu sameeyey ninka loo yaqaan aabbaha kombuyuutarka, kaasoo jebiyey koodhkii amma labar-sireedkii ugu adkaa dagaalkii labaad ee adduunka oo la odhan jiray Enigma Code. Alan waxa kale oo uu ahaa nin ikhtiraaca muusiga.
“Alan waxa shaqadiisu aad u caan ahayd dabayaaqadii 1940aadkii, waxaannu kombuyuutarka u beddeli jiray aalad muusig ahaan loo isticmaali karo,” ayey cilmi-baadhayaashu yidhaahdeen.
Duubista muusiga oo la sameeyey 65 sannadood ka hor, waxa ay ka bixi jirtay baahinta BBC-da, siiba waxa laga helay mishiin kombuyuutareed (Computing Macine Laboratory) yaal magaalada Manchester ee waqooyiga England.
Mishiinkan oo ay ka buuxaan faylal aad u badan waxa loo isticmaali jiray saddex shay amma muusig oo kala ahaa Boqorku ha noolaado “God Save the King,” Baa Baa Laxda Madaw “Baa Baa Black Sheep” iyo muusigii qaraamiga ahaa ee Glenn Miller ee “In the Mood” la odhan jiray, bals;e markii khubaro Jaamacadda UC ka tirsan sida Prof. Jack Copeland iyo Jason Long ay baadhitaan ku sameeyeen cajalad 12 iij (30.5 cm) oo muusig ku kaydsanaa waxay heleen cod muusig ah oo ay ku sheegeen inuu ahaa kii ugu horreeyey ee kombuyuutar lagu kaydiyo.
“Mawjadaha duubitaanku ma ahayn kuwo saxa. Codka kaydsan waxa uu na tusay uun aragti la yaab ah oo ahaa sida kombuyuutarka codka loogu duubayey. Waa arrin aad u qurux badan in la maqlo dab aaanta codka kombuyuutarkii Turing,” ayey yidhaahdeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/