X

Caga-cagaf aan Cid Wadin oo loogu Talogalay Qodista Beeraha

Araweelo News Network

Maadaama korodh badan ku yimi tirada bani’aadamka adduunka ku nool, waxa loo baahan yahay in beeralaydu soo saraan cunto badan oo ku filan noolaha caalamka, iyadoo laga dayrinayo saamaynta ka dhalan karta dhalan-gedidska cimilada ee ku soo waajahan mustaqbalka.
Haddaba, cabsidaas badan ee jirta awgeed ayaa khubaro ka tirsan shirkad la yidhaa CNH oo soo saarta qalabada tiknoolajiyada ah iyo gaadiidka casriga ah ay ku guulaysteen in ay sameeyaan cagacagaf aan cid wadin oo beeraha lagu falan karo.
Cagagaftan waxa ay ku shaqaynaysaa oo lagu xidhiidhinayaa kombuyuutarka, iyadoo leh kamarado lagu hagayo oo kolba meesha la doonayo in lagu qodo si toos ah uga hawlgalaysa, meeshana ka saari doonta shaqaalihii tirada badnaa ee loo baahnaa. Waxa ay awood u leedahay inay 24 saacadood oo xidhiidh ah shaqayso.
Qofka beerta iska leh ayaa amarka siinaya cagacagaftan, isagoo kala soconaya kombuyuutarkiisa, maadaama kamarad ku rakiban tahay, waxayna tallaabadan soo kordhin doontaa in sare loo qaado wax-soo-saarka dhinaca beeraha.
Sida lagu daabacay wargeys la yidhaa Gizmodo, waxa kaloo caga-cagaftan ku rakiban mishiin awoodiisu tahay 419 horsepower, taasoo xawaaraha ay ku socotaana yahay 50km saacadiiba (50 km/hr). Ilaa hadda wali lama caddayn qiimaha la siinayo, balse waxa la isku raacay in beeralayda loo qaybiyo si ay u soo saaraan cuntooyin badan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/