X

Yuhuudda Ruushka Oo Qaxaya Iyo Sababta Ay Israel U Doorteen

Qaar ka mid ah Yuhuuda ka qaxaya Ruushka ee u socda Israel , Image Araweelo news Network

Araweelo News Network.

Sidii ay u bilaabatay colaadda dalka Yukreeyn iyo Ruushka waxaa biloowday qaxa dadka yahuudda ah ee barakacaya dalka Ruushka iyagoo badankoodu u safraya dalka israa’iil.

Sidaynu Ognahay dowladda yahudda ee israa’iil ayaa la safan Waddmada reer Galbeedka ah, taasi oo ka dhigan inay yahuddu cadow ku tahay dalka Ruushka sidaa awgeed dadka yahudda ayaa ka baqaya in dhibaato loogu geeysteen dalka Ruushka.

Waxaa aad u qaaliyoobay tikidha-da Diyaaradda ee ah duulimaadyada Ruushka illaa caasimadda Yahuudda Tal-Abiib. Halkii Tikidh qiimihiiis waa $660.

“Cabsi weyn ayaa soo waajahday dadka yahuudda ah ee Ruushka, waxaa soo gaadhay dalka israa’iil Tiro aad u badan oo yahudda Ruushka ah, waxay la soo baxsadeen Naftooda, waayo ammaankooda ayaa Halis ku jira “. Wassaaradda socdaalka dalka yahudda qoraal ay soo dhigtay batted Twitter-ka ayaa sidaa lagu yidhi.

Dadka yahuudda ayaa aad uga baqaya in dhibatadii loogu geeystay waddanka Jarmalka iyo waddamda Yurubta bari oo kale loogu geysto dalka Ruushka. dhibaatadaa loo geytsya dadka yahuudda waxaa u GEEYSATAY dowladii Nazi-ga ahayd ee Jarmalka taasi oo u hoggaaminayay madaxweeynihii Jarmalka ee ma jixinjixa ahaa Adolf Hitler.

Yahuudda ayaa ah dunida ku kala qaybsan Baldwin 1948 ayeey waddanka falstiin xoog ku qabsadeen waxayna ka dhisteen dowlad ay reer galbeedku Taageeraan oo la yidhhaado israa’iil. Yahudda caalamka oo dhan ayaa israa’iil u soo guurta iyagoo dhulka falsatiin ka samaysta deegaamayn Cusub waxayna dhibaato u geeystaan dadka masaakiinta ah ee reer falstiin kuwaa dhulkooda qoxooti ku ah.

WQ Dr.Ahmed hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post