X

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Ruushka, iran iyo China Ku Tilmaamay Kuwo Ku Farxaya Guuldarada Washington

#Araweelo_News_Network.

 

Washington (ANN)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony J. Blinken ayaa ku tilmaamay iskaashiga Maraykanka hantidiisa istaraatiijiyadeed ee ugu weyn. Blinken wuxuu sannadkan ku tilmaamay mid dhibaatooyin iyo masiibooyin baddan oo addag, sidaa awgeed ay dib u habayn ku sameeyeen  siyaasadda si loo helo xullufo cusub iyo innay Bulshada aduunku arkaan wuxuu yeedhay hoggaamintii Maraykanka oo dib usoo laabatay.

Laxidhiidha: Qaraarada Gollaha Amaanka Oo Ku Burburay Gacanka Kuuriya Oo Quwaddaha Waaweyn Ku Hirdamayaan Iyo Walaaca Q.Midoobay

Mar uu soo qaatay ahmiyada Maraykanku ka leeyahay maalgelinta dheeradka ah ee Kongarasku hakiyay, wuxuu sheegay in cidda ka faa’iidaysa haddii Kongarresku meel mariyo ay maalgelinta dheeraadka ah ay noqonayaan muwaadiniintooda, ganacsiyada Maraykanka iyo shaqaalaha Maraykanka, sidoo kale, arrintan ayuu sheegau innay faa’ido ugu jirto Xulafadooda, kuwa ay shuraakadayada yihiin iyo dadka adduunka oo dhan ee raadinaya  ayuu yidhi “in Maraykanku noqdo hoggaamiyaha aduunka”

 

Hase yeeshee, wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony  Blinken sheegay in haddii Maraykanku guuldaraysto ay ku farxayaan dhawr dal oo sida uu sheegay ay ka mid yihiin kuwa kasoo horjeeda, isagoo yidhi, “Waa kuwan cidda ku faraxsan haddaynu guuldarraysano: Moscow, Tehran, Beijing.” ayuu yidhi.

Weedhaha Blinken, ayaa kuwo muujinaya in Maraykanku garawsanyahay in aannu lahayn saamayntii uu dunida ku lahaa hadda ka hor, iyo tilmaanta quwaddaha kasoo horjeeda ee xullufadda Ruushka,, China iyo Iran hoggaamiyaan, kuwaas oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan u muuqda kuwo qaawiyay qabkii iyo isla weynidii Maraykanka ee Caalamka.

Laxidhiidha: Ruushka, North Korea iyo China Oo Maraylanka iyo Xullufadiisa South Korea Ku Haddidaya Marrinka Murranka Oo Xiisad Collaadeed Ka Aloosantahay

Sidoo kale, weedhaha Xoghaye Blinken, ayaa noqday kuwo faallooyin baddan laga bixiyay xilli Maraykanku waajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, isla markaana uu ku haftay loollanka xullufada kasoo horjeeda ee sii xoogaysanaya.

Blinken, wuxuu Sannadkii 2023, oo keliya safray in ka badan 380,000 kiiloomitir isagoo booqday in ka baddan labaatan waddan si uu ula kulmo dalal aan xilligan ahmiyad weyn u hayn innay noqdaan saaxiibo iyo ay isku khilaafeen maaraynta mushkiladaha dhaqaale iyo collaadaha ka aloosan meelo baddan, balse waxa uu ballan qaaday in uu garab istaagi doono Maraykanku xulafaddiisa qaarkood oo uu u fidiyay gargaar kaddib musiibooyin soo waajahay.

 

Sidoo kale, ujeedooyinka safarada xoghayaha ayaa lagu macneeyay innay ahaayeen kuwo hadafkoodu ahaa ilaalinta iskaashiga iyo abuurista saaxiibo cusub, balse Blinken oo noqon kara mid ka mid ah ama Xoghayihii ugu safarka badnaa Maraykanka, ayaa loo arkaa innuu si la mid ah taariikhda ku geli doono Xoghayihii taariikhda Maraykanka ugu indha adkaa ee hoggaaminaya diblamaasiyad been ah oo ku fashilantay collaaddaha ka aloosan meelaha ugu xaasaasisan dunida sida Ukraine, Bariga dhexe iyo Gacanka Korea.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post