Araweelo News Network
Qaybtii 3aad
Wakiil ka tirsanaa CIA-da Maraykanka oo la yidhaa John Nixon, waxa uu intaas ku daray, “Ma jirin wax beeninaya in qofka la qabtay uu leeyahay muuqaal soo jiidasho leh oo dabiici ah, waxa uu ahaa nin weyn, dhererkiisuna yahay 6 fuudh iyo hal inji, jidhkiisuna wuu dhisnaa oo xataa isagoo ah maxbuus dhab ahaan u ogaa in la khaarajinayo, haddana marna lagama dheehan wax liitinimo ah, muhiimad weyn ayuuna isla lahaa.
Anigu markiiba waxa aan gudo-galay hawshii shaqadaydu ahayd ee la ii xilsaaray, su’aashii u horreysay ee aan weydiiyeyna waxa ahayd; ‘Waxa aan ku weydiinayaa su’aalo kooban, waana in aad uga jawaabto si xaqiiqo iyo run ku salaysan. Ma i fahamtay?
Kadibna, Sadaam Xuseen waxa uu i siiyey ishaaro uu ku muujinayo inuu ogolyahay su’aalaha, waxaanan weydiiyey; “Goorma ayaa kuu dambaysay in aad nolol ku aragto wiilashadii?
Hasayeeshee, inta aannu su’aashaas ka jawaabin, waxa uu qaatay dareen ah inuu ogaado cidda aannu nahay, wuxuunna na weydiiyey; “waar horta ayaad tihiin? Ma sirdoonka millatariga ayaad tihiin? Mise mukhaabaraadka sirdoonka ee aan millatariga ahayn? Waanna in aad iiga jawaabtaan oo aad isku kay sheegtaan.
Balse, anniga shaqadaydu waxa ay ahayd in aad ogaado in qofka la qabtay yahay Sadaam Xuseen, waxaanan isha ku hayey jidhkiisa si aan calaamado uu lahaa uga hubiyo, kadibna waxa aan markiiba arkay astaantii jidhkiisa ku sawirnayd ee qabiilkiisa (tribal tattoos), dabintiisa hoose inay yara maroortana waan ku arkay, laakiin waxa weli ii dhiman in aan arko nabarkii dhaawaca rasaasta.
Waxa kaloo jiray macluumaad badan oo aannu doonaynay in aannu ogaano, sida habkii uu uga baxsaday magaalada Baqdaad? Cidda caawisay?, su’aalahaas ayaannu weydiinay, laakiin wax jawaabo ah nama siin, waxa qudha oo uu ka jawaabayey su’aalaha uu doono oo qudha.
“Waxaad wax iiga weydiin weyday arrimaha siyaasadda? Wax badan ayaanan iga baran kartaa,” ayuu yidhi Sadaam, waxa kaloo uu si gaar ah u jeclaa inuu ka hadlo dhibaatooyin uu sheegay in ciidanku gaadhsiiyeen markii ay ka soo saareen godka uu ku dhuumanayey.
Ninka ka tirsanaa CIA-da Maraykanka, ayaa sheegay in aannu rumaysan karin waxyaabo badan oo uu ku arkay Sadaam Xuseen, waxaannu xusay inuu ahaa nin aan laba jeer ka fikirin dilka dadkiisa uu maamulo, isagoo tilmaamay inuu sameeyey waxyaabo uu ku difaacayey qaranka dalka Ciraaq, kadibna inta uu iska bixiyey shaygii uu xidhnaa ayuu i tusay nabad kaga yaalay lugtiisa bidix, waxaanan weydiiyey; ‘ma dhaawaca rasaas ahbaa?, haa waa dhaawac rasaas ah.
Halkaasna waxa aannu ku helnay caddayntii u dambaysay ee ah in aannu qabanay Sadaam Xuseen, waxaanna si cad loo aqoonsaday in hadda gacanta lagu hayo Sadaam, balse waa in aannu si dhab u ogaano xaqiiqda maamulkiisii dalka Ciraaq, gaar ahaan hubka sida xun wax u gumaada oo ahaa sababta ka dambaysay duulaankii lagu qaaday dalkiisa ee xukunka lagaga tuuray. Jawaabaha uu na siiyeyna waxa ay ahaayeen qaar aannu u qaadanay inay yihiin cilaaq ah oo aannay sax ahayn.
Waxa aan weydiiyey hubkii kimikalka ahaa ee uu ku weeraray magaalada ay dadka Kuurdiyiintu degan yihiin ee Halabja, xilligii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Ciraaq iyo Iran, kadibna dareenkiisa ayaa kacay, wuxuuna iigu jawaabay; “Annigu kama baqanayo idinka amma madaxweynihiina, waanan samayn karaa wax kasta oo aan samayn karo si aan u difaaco dalkayga.”
Haddana, inta uu sanka marmartay oo uu igu soo jeedsaday ayuu yidhi; “Laakiin, annigu maan lahayn go’aankaas (hubka suntan ah loogu qaaday Kuurdiyiinta).
Halkaas marka aannu marayno, waxa ay maamulkayga CIA-du go’aansadeen in aannu yara hakino su’aalaha, kadibna markii uu ka sii baxayey qolka ayuu Sadaam Xuseen ii soo eegay si xun oo uu indhaha igu gubay, anniguna dhawr qof ayaan ka cadhaysiiyey intii aan noolaa, laakiin…
La soco qaybo kale oo xiiso badan.