Araweelo News Network
Su’aalihii maraanmarka ahaa ee la weydiiyey markii la qabtay Madaxweynihii Ciraaq iyo jawaabihii uu bixiyey ee runta fashiliyey
Washington (ANN)- Wakiil u shaqaynayey hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaanno CIA-da, ayaa xog cusub oo uu baahiyey waxa ay fashilisay khaladaadkii dawladda Maraykanku ka gashay duulaankii ay ku qaaday dalka Ciraaq sannadkii 2003 iyo dilkii ay markii dambe ku fuliyeen hoggaamiyihii waddankaasi ee Saddaam Xuseen.
Sida lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, nin magaciisa la yidhaa John Nixon oo ahaa wakiil hay’adda CIA u qaabilsanaa baadhitaanka iyo lafogurka tilmaamaha cidda la doonayo oo ka qaybgalay hawlgalkii ciidammo Maraykan ahi ku qabteen Madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen 13-kii bishii December ee sannadkii 2003, isagoo ku jiray god ku yaalay magaaladii ku dhashay ee Tikrit, ayaa warbixin uu soo saaray 13 sanno kadib oo la daabacay shalay, waxa uu kaga warramay xog-warran dhexmaray isaga iyo Saddaam oo uu ku ogaaday waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in dawladda Maraykanku ku khaldanayd sababtii ay weerarka ugu qaaday Ciraaq ee ahayd in dalkaasi haysto hubka sida xun wax u gumaada.
Wakiilka CIA-du waxa uu sheegay in markii ciidammada Maraykanku qabteen Saddaam Xuseen isaga laga dalbaday inuu caddeeyo in qofka la qabtay yahay Madaxweynihii Ciraaq iyo in kale, taasina ku kelliftay inuu wada sheekaysi dheer la yeesho Saddaam si uu dhaqdhaqaaqiisa uga helo astaamo iyo calaamado ku yaalay meelo ka mid ah jidhkiisa.
Mr. Nixon waxa uu sheegay in waraysigiisa uu ku waydiiyey Saddaam Xuseen inuu weligii qorshaystay in hubka Nukliyeerka uu ku wareero ciidammada Maraykanka ee fadhiisinka ku leh dalka Sucuudiga, waxaannu Saddaam Xuseen kaga jawaabay, “Weligayo kumaanu fikirin isticmaalidda hubka Nukliyeerka wax baabiiya, maanu ka wadahadal. U isticmaal hubka kimikalka ah dunida? Miyey jirtaa cid sidaa ku fikirkaysa inay samayso adduunka? Yaa isticmaalaya hubkan marka aanay annaga nagu isticmaalayn.”
Waxa kaloo uu wakiilkan Sirdoonka Maraykanku ku sheegay warbixintiisa in Sadaam Xuseen intii uu la sheekaysanayey si adag u beeniyey inuu ku lug lahaa weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Maraykanka ee loo adeegsaday diyaaradaha, isla markaana uu run noqday hadal uu maalintaasi ugu hanjabay oo ahaa in ciidammada Maraykanku ku dhibaatoon doonaan Ciraaq oo aannu raaxo dareemi doonin Maraykanku, “Waad guuldarraysan doonaan, waxaad doonaysaan waxaan sahlayn inaad si fudud u maamushaan Ciraaq. Sababta oo ah ma garaysaan luuqadda, taariikhda iyo waxa Carabtu doonayso,” ayuu Saddaam Xuseen ku yidhi basaaskii waraysanayey.
Ninka Wakiilka u ahaa Sirdoonka CIA waxa uu warbixintiisa ku xusay in Maraykanku ku khaldamay duullaankii uu ku qaaday dalka Ciraaq, maadaama sababtii ugu waynayd ahayd in Saddaam Xuseen haysto hubka Kimikaalka ah ee wax baabiiya, taasina been noqotay.
La soco qaybo xiiso badan oo ka mid ah xogaha laga helay Sadaam Xuseen…