X

Xarunta Daraasaadka Iyo Diimaha Ay Haytsaan Bulshooyinka Dunidu Oo Sheegtay In Kiristaanka Islaamku Ka Badanayo Xagga Korodhka 2010 – 2050

Araweelo News Network

Washington(ANN)Daraasad Cilmi-baadhis cusub oo uu ay samaysay xarunta daraasadaha ee Pew Research Center ee diimaha oo ku taal cariga Maraykanka gaar ahaan washington, ayaa daboolka ka qaaday in dhammaadka qarnigan dadka aamiinsan Diinta Islaamku ay kor u kici doonaan, halka dadka rumaysan Kiristaanka iyo kuwa Alle-diidka ah (Atheism) hoos-u-dhac baaxad leh ku imaan doonno.

“Dadka rumaysan Kiristaanku waxa qarniyadii u dambeeyey ku imaanaayey, gaar ahaan toddobadii qarni ee u dambeeyey kor u kac, balse qarnigan oo kaliya diinta Islaamka waxa ay dhaafi, amma gaadhi doonta Kiristaanka kor u kaca aawadeed,” ayuu yidhi Alan Cooperman oo ah Agaasimaha Cilmi-baadhisaha diinta ee Xarunta Pew Research Center.
Kiristaanku waa diinta dadka ugu badan aaminsan yihiin, taasoo macnaheedu yahay in rubuc ka mid ah dadka adduunka oo u dhiganta 2.2 milyan qof ay rumaysan yihiin, balse cilmi-baadhista Xarunta Pew Research samaysay, ayaa muujisay in islaamka kor u kac aad u weyn ku imaan doono, taasina macnaheedu tahay in 30% ay dunida ka noqon doonto marka la gaadho 2050-ka, halka sannadka 2070 la sadaalinaayo in dadka islaamka ahaaminsan ay ka baddan doonaan dadka Kiristaanka ah.

Geesta kale, xarunta Pew cilmi-baadhisteeda waxa ay ku tilmaantay in dadka aan diinba rumaysan iyo kuwa Alle-diidka ah (Atheists and Agnostics) ay noqon doonaan kuwo hoos-u-dhac aad u badan ku imaan doono 2050-ka, inkastoo ay ku badan doonaan Maraykanka iyo qaarada Yurub, taasna waxa cilmi-baadhistu u sababaysay in dadka dhalmadoodu yaraanayso, isla markaana qaar badan oo ka mid ah ka noqon doonaan go’aannadooda.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post