X
    Categories: Qubanaha

Xafladdii Caleemo-saarka Madaxweyne Trump Oo Laga Akhriyey Aayad Qur’aanka Kariimka ah

Araweelo News Network

Trump oo ka qeybgalay kullan duco ah, xili ay socdaan banaanbaxayo lagaga soo horjeedo

Washington(ANN)-Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, ayaa si fiican u dhegaystay aayado qur’aan ah oo laga akhriyey xafladdii caleemo-saarkiisa oo qabsoontay maalintii Jimcaha ee toddobaadkan.
Sheekha qur’aanka akhriyey oo magaciisu yahay Imam Mohamed Magid, ahna Agaasimaha Fulinta ee Ururka All Dulles Area Muslim Society, waxa laga rajaynayey inuu xafladda ka eedaamo, balse waxa uu akhriyey aayado qur’aan ah oo uu kasoo qaatay suuradda Al Xujuraat iyo qaar kale.
“Ibnu Aadamyahaw, waxaannu idinka abuurnay lab iyo dheddig (Aadam iyo Xaawa), kadibna waxaannu idinka dhignay ummad, qoomiyado iyo bulshoooyin, si aad isugu garataan. Dhab ahaantii, kiinna ugu sharafta badan xagga Ilaahay waa kiinna ugu toosan, Allena waa ogyahay…” ayuu imaanku ka akhriyey,
Sidoo kale, wuxuu akhriyey Surah Ar-Rum; “Alle waa ka abuuray jannada iyo dhulka, kala duwanaanshaha luuqadihiina iyo midabadiina. Dhab ahaantii waa astaamahiinna kuwiinna garanaayow,”
Imaamka Qur’aankan akhriyey wuxuu ka mid yahay 26 hoggaamiye diimeed oo laga soo kala doortay caqiidooyin tiro badan oo dalka Maraykanka ka jira sida CNN baahisay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post