X
    Categories: Qubanaha

Will Yar Oo Sideed Jir Ah Oo Jidhkiisu Isu Bedelay Dhagax

Araweelo News Network

Wiil magaciisu yahay Mehendi Xassan oo da’diisu tahay 8 sanno jir, una dhashay dalka Bangladesh, ayaa lagu arkay xaalad argagax leh oo sababtay in jidhkiisu noqdo sida dhagaxa oo kale.
Inanka yar looma ogola inuu guriga dibada uga baxo, sababtoo ah waxa ka cabsanaya carruurta, noole kasta oo uu taabtana waxa uu dareemaa xannuun ba’an, sababtoo ah jidhkiisu waxa uu noqday dhagax, kadib markii uu haleelay xannuun dunida dhif ku ah.
Ilmahan yare e 8 jirkan marka wejigiisa laga reebo inta kale ee maqaarkiisa waxa ka soo baxay saan aad dhagax moodo adayg awgiis, taasoo keentay in socodku ku adkaato, waxna aannu taaban karin.
Bulshada uu la nool yahay, xataa ayeeydii way ka yacaan meel kasta oo ay ku arkaan sida ay sheegtay hooyada dhashay wiilka yar, taasoo dawladeeda ugu baaqday in baadhitaan ku samayso xaaladda wiilkeeda si dawo loogu helo.
Wiilkan yar oo xaataa inuu dhar xidho ay ku adag tahay, guriga kama baxo maalin oo dhan, sababtoo ah waxa cabasho ka muujiyey dadka jaarka oo sheegay in ubadkoodu ka cabsadaan, kana anfariiraan Mehendi.
“Carruurta kale way neceb yihiin. Dadku waxay u arkaan inuu wasakh yahay, xaaladiia aawadeed. Waxa uu guriga uun ku jiray siddeed sannadood, sababtoo ah marka uu dibadda u baxo, dadka tuuladu way ka cabsadaan, waxyaabo xun xuna way ku yidhaahdaan. Qof kasta wuu neceb yahay, qofna ma jecla inuu arko, hortiisana wax ku cuno, xataa sodohdy (Ayeeydii). Waxa aan dawladda ka codsanayaa in ay wiilka ii caawiso,” ayey tidhi hooyo Jahanara Begum oo xaaladda wiilkeeda ka warramaysa.
Inankan yar ee dhibaatadu haleeshay oo ah wiilka saddexaad ee qoyskooda wax uu ku dhashay xaalad caafimaad qab ah, balse marki uu 12 maalmood jiray ayaa waalidkii ka war heleen finan jidhka ka soo baxay, balse waxay u maleeyeen in ay tahay kanneeco cuntay, balse aakhirkii finankii waxay ku fideen dhammaan jidhka, muddo saddex bilood ahna way adkaateen oo maqaarka jidhka oo dhan bay isku xidheen finan aad moodo dhagaxaan adayg aawadood. Dhakhaatiirta degaankiisuna way u waayeen wax dawo ah.
Waxa ay dhakhaatiirta loo geeyey badankoodu sheegeen in xannuunkiisa ay garan waayeen oo uu yahay mid adduunka naadir ku ah, una baahan khubaro khaas ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post