X

Wiilka Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov Oo Ku Biiray Dagaalka Ukraine  

Russian President Vladimir Putin (right) and his spokesman, Dmitry Peskov, address a press conference in Minsk, Belarus. (AP file photo)

#Araweelo_News_Network.

 

Moscow(ANN)-Wiilka uu dhalay Afhayeenka Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin,  Dmitry Peskov, oo magaciisu yahay Nikolai Peskov, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta Ruushka ku sheegay inuu go’aansaday inuu uga adeego dalkiisa, isagoo qayb ka noqday dagaalka Ukraine.

 

Nikolai Peskov, ayaa ku biiray ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka, kuwaas oo ka dagaala meelaha ugu khatarsan ee ay ka jiraan dagaaladda ugu qadhaadh.

 

“Waxaan u tixgeliyay inay tahay waajibkeyga, ma aan fadhiisan karayn dhinacyada, si aan u daawado asxaabta iyo dadka kale ee halkaas tegaya,” Nikolai Peskov, ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Wargeyska Ruushka ee Komsomolskaya Pravda.

 

“Markii aan halkaas tegay, waa inaan beddelaa magacayga dambe. Runtii qofna ma garanayo qofka aan ahay.”ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyay in muddadii uu xilka hayay oo ahayd ku dhowaad lix bilood uu helay billadda geesinimada ee Ruushka.

 

Wargeyska CNN, ayaa daabacay arrintan, balse wuxuu sheegay in aannay CNN, si madaxbanaan u xaqiijin sheegashadaa.

 

Carruurta ay dhaleen shakhsiyaadka dawladda iyo kuwa caanka ah ee Ruushka ayaa hore loogu jeediyay dhaleecayn ku saabsan inay ku guuldaraysteen inay ka dagaalamaan Ukraine.

 

Wareysiga Nikolai Peskov ayaa yimid kaddib markii madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhin, uu sheegay Jimcihii in Afhayeenka Kremlin, wiilka uu dhalay u adeegay qoriga xooggiisa sidii kooxda ciidanka gaarka ah ee Wagner oo ah calooshood u shaqeystayaal xilligan dagaalka ugu kulul kaga jira Bariga Ukraine.

Sida laga soo xigtay Prigozhin, Nikolai Peskov wuxuu ka shaqeeyay Kooxda PMC Wagner lix bilood, waxaana la raacayay dukumeenti been abuur ah oo magac kale uu sitay, isaga oo ka shaqeynayay gaadiidka xamuulka qaada ee gaadhsiiya kooxdaa sahayda iyo rasaasta.

Madaxa kooxda Wagner ayaa sheegay in Peskov uu ka soo qayb galay tababar saddex toddobaad ah oo ka dhacay xaruntooda Molkino kaddibna u ambabaxay Luhansk.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post