1988 ayaa sida caadada ahayd goor habeenimo ah oo ku dhaweyd Waaberi ayaa Siyaad Barre loo keenay cajalad xasaasi ah oo
ay ku duubantahay wada hadal Taleefoon ku dhex-marayey Maxamed Qanyare Afrax iyo nin maal-qabeen ahaa oo la odhan jiray Xaashi Weheliye oo isna ka mid ahaa ragga ugu cad cad ee ka horjeedday Xukunkii Siyaad Barre.
Xaashi Waheliye waxaa kale oo uu ahaa khasnad hayaha laga maamulo hawlgalada falalka dagaal mucaaradka, waxaana xusid mudan in cajalad kasta oo loo keeni jiray Siyaad Bare uu Xaashi Weheliye ka ahaa “Player”
Cajalada ayaa ku duubneyd codka Maxamed Qanyare oo warkiisa ka soo tabinayay Magaalada Nairobi .. wada-hadal iyo is wareysi badan ka dib Qanyare waxuu Xaashi ku yidhi; “Waxaan la xadhiidhay kooxihii wadaadada ahayd, waxaana ay ii sheegeen in dhawaan la maqli-doono war kadis ah oo lagu farxo ..”
Xaashi Weheliye ayaa weydiiyey Qanyare waxa uu noqon karro warkaas Farxada lihi, Maxamed Qanyare ayaa markaa ugu hal-celiyay oo ku yidhi sidan: “Afar ka mid ah wadooyinka uu maro Maxamed Siyaad ayaa la dhigay mujaahidiin naftood hurayaal ah oo isticmaali-doona madaafiicda diirada tooska u dhacda ..”
Markaa ka dib Xaashi oo hadalkii qaatay ayaa yidhi, “Qoryaha anagaa ayaa dhawaan iibinay, laakiin qorshahaas layma sheegin,” isagoo carbka ku sii dhuftay in
Goobjooge Furay Faylki Hay’ada NSS/ Hogaanka War-Isgaarsiinta iyo Farsamada Qalabka Sirdoonka/ Sir Culus.
Oo uu ku dooday inuu jiro gorgortan ay kooxo kale kula jiraan. Waxaa kale oo aan xasuustaa oo cajaladda Siyaad Barre loo geeyay ku jiray Qanyare oo ku sii wargalinaya saaxiibkii Xaashi in Mr.Cabduqaadir Adan Cisman”Ina Aadan Cade” oo Roma Joogaa u macaawino ka helay dawlada Talyaaniga, si loogu taakuleeyo halganka lagula jiro Maxamed Siyaad, ayna dhawaan soo gaadhi-doonto dekada Xamar, Xaashi Weheliyana looga baahanyahay inuu masuuliyadeeda la wareego” isaga oo filaya in aan dawladu ka warhayn.
Maxamed Qanyare Afrax oo si ilaaqtan ku jiro u hadlaya ayaa su’aal ku soo celiyey Xaashi Weheliye oo yidhi; “Maxaa dhacay maal-mahan ma maqal, falalkii dilka iyo dhaca ahaa ee ay kooxdi Faay Cali sameyn jireene,” Waxaana uu intaas raaciyey; “Aaway dib-jiradii iyo ciyaal suuqi hor kici jiray qaska magaalada. ma lacgtii la siin jiray ayaad Xaashiyow kaga bakhaysheen?” .
Xaashi oo jawaab ku celiyey ayaa yidhi; “Wax waliba sidii loogu tala galay ayay u socdaan, hawshaasna rag baa u xilsaaran waanay socotaa, kharashna looma waayine, iyagaa beryahan malaha xeelad awgeed isu nabaya,”
Intaa ka dib Qanyare oo hadalka soo gabagabeeyay ayaa kula dar daarmay Xaashi Weheliye weedhahan, isagoo yidhi, “Hawiye waa habaaran-yahay jiifka ha ka tooso .. fadlan u sheeg gabdhaha iyo marwooyinka Hawiye waa iney raga guubaabiyaan oo gambada xooraan, guri kastana waa in guradisa hub iyo rasaas laga buuxshaa.”
Sarkaalkan warkan tabinayaa waxa uu ku dooday in Waqtigaas in kasta oo xaaladu Siyaad Barre aad ugu xumayd oo aanu ahayn Libaaxii Todobaatanaadkii, haddana aanu dhagaysiga Cajaladan warka uu ka helay cabsi weyn oo wejigiisa laga dareemi karro ku beerin,. Sababta oo ah buu yidhi, waayo buu yidhi warkaas iyo mid ka daran ayaa maalin walba xafiiska ina Siyaad ku soo dhacayey, umana diyaar ahayn inuu go’aan ka gaadho deg deg ah ooh awl-wadeenadda uu markaaba farro.
Sarkaalkani waxaa uu sheegay in Siyaad Barre u yeedhay maalmo ka dib Xaashi Weheliye oo ka mid ahaa Tujaarta dalka, waxaana kulankoodii ku biyo shubtay muran iyo dood dhexmartay,
Adeegahan oo soo tabinayay hadalkii ay is weydaarsadeen ayaa waxaa uu yidhi,. Siyaad ayaa Weydiiyay Xaashi su’aal ahayd sidan: “Xaashi, waan is naqaanay inaan Kacaanku dhalane maxaad ahayd, teeda kale, maxaan anigu Maxamed ahaan kuu dhimay”
Jawaab ay adeegayaashu u arkayeen Jikaar ayuu bixiyey Xaashi Weheliye, waxaana uu yidhi “Muraadkayagu waa dalka oo lagu xukumo Shareecda islaamka, Lana magacaabo guddi shuura’ oo inta kala guurka dalka sii maamusha” iyo warar badan uu raaciyey
Siyaad Barre oo u jawaabay Xaashi ku yidhi; “Xaashiyow anigua kuguma ogeyn wadaad oo waan u jeeda inaad gabaad ka dhiganeysid diin, waxaanse ku sheegaya diinteenu mid weeye, waxaana nahay ummad wada islaama, mana lihiin gaal masiixiya, oo gaalnimada aad igu sheegeysaan waa baadilnimo .. Waxaad nola timaadeen Ideolojiyad mad-madow diinta aad kaga been sheegeysan oo reer galbeedku ugu tala galay wiiqida midnimada ummada soomaali ee islaamka ah .. doqonimo dhaga weyn indha-adag iyo macagagnimo naar-afuufaya ayaa hadalkaaga ka muuqda, nabada inaad qiimeysan ayaa kheyrku ku jiraa, lacgta Riyaalka Wahaabiyada Sacuudiga iyo dollarka reer yurub ummadey kala geynayaan, waxanse ogahay Xaashiyo qaadirada ku haysa waa qabiilnimo xukun lagu doonayo ee qiirada qabiil yey kula fogaan, laakiin waxaan kalo ku sheegaya nin qabyaalad wax ku doonaya guul ka dheer ee magaca diinta wax yar ka bawsiga ah iyo Aadaanka jihaadka aad ku Qaraabaneysaan waad ku guuldarey-saneysaan, waxuuna Siyaad warkiisi si raaciyey “adiga Xaashiyow cid wax ku dhiibaneysa ama ku darajeyneysa ma jiri-doonaan oo aakhirkaaga waxaad ku dambeyn-doontaa xabsi ama dil ay ku maleegaan kuwa hadda kugu shaqeysanaya ee ilka-casta soo hayaantay .
Xaashi Weheliye beel ahaan waxuu ka soo jeeday beesha Murursade, hasa-ahaate dhalasho ahaan ayaa inta bada dadku u aqoonsanaa-yeen inu asl ahaan ka soo jeeday beesha Amaanle harti-daarood, waxaana taas lagu xaqiiqsaday xigtadiisa qaar ka mida oo weli ku nool dhinaca Bari, laakiin Xaashi isagu mar kasta waxuu ahaa Oday Murursade una janjeera halkii u ku dhashay kuna dhaqmay isaga iyo aabihiis Weheliye oo ku wada dhashay cariga ceel-buur, laakiin Awoowe ayaa la sheegaa inu xeebaha mandiqadaas ku dhaw dhaw dabaal ku yimi isagoo da’yar .. Xaashi inkasto waqtiyadi kacaanka dhashay u ahaa nin ku caana-maalay ka ganacsiga Nacnaca iyo shukulaatada haddana mudo gaaban ayuu ku noqday maal qabeen iskala-waayey .. hodantinimada sababna u ahayd xoolo badan oo laga amaahiyey Bangiyadi Soomaaliya .. inkasto aan aniga waqtigi bilawga dagaalada sokeeye dalka dibada uga maqnaa xagaa iyo Ameerika, haddana sheekada ka soo baxday dilki Xaashi Weheliye ayaa tilmaameysa iney dileen rag mucaarad ah oo ka soo horjeenstay siyaasadisi Xaashi ee ahayd in dagaalka la joojiyo oo nabad iyo gorgortan u ku tago Siyaad Barre ..sida la sheegeyna Xaashi waxuu durbadiiba saluugay kana carooday baaqi xayuubinta xukunka maxamed Siyaadd oo Rag qaarkiis u badaleen baaq dhiiri-galin gumaad reero gaara, oo laaiq ku ahayn aragtidi kacdoonka .. sidaa darteed Xaashi Weheliye iyo grubkiisi ayaa arintaa afduub u arkay ganafkana ku dhuftay dhagarta ay la yimaadeen mucaaradkii loobbiga falsafada baduuga wixii aan ahayn USC .. Xaashi ayaa kooxdaas ku yiri; waxaad aad wadaan waa gun-dalabkeed layskumana ogeyn, waana aamin-daro ee Mogdisho noga baxa iyo halkii aad ka timaadeen ayuu Xaashi yiri ..sida warka loo xigtay Xaashi iyo Muuse Boqor iyo rag kale oo majlis fadhiya kana doodaya xaalada cakiran sidi wax looga qaban-lahaa, waxaa madaafic dirad toosan ku soo weeraray garabkii kale ee wadatay afkaarti ku saleysneyd in isir gaara dagaalka lagu jeheeyo taaso ka careysiysay Xaashi Weheliye iyo gurubkii goobta kula dhintayba.
Jaalle Siyaad oo ahaa gorgorkii samada laafyoon jiray leebiga ahaa, ugu dambeyn waxaa ka tagay dareenkii libaax-nimada 70-80 kii uu lahaan jiray oo gacmihiisi laabtay, waxuuna u muuqday nin caleentiisi cadaatay oo ay ka soo hartay il-qoolaadin qura ..M.Siyaad goor dambe ayuu yiqiinsaday in xaaladii nabadgalyo faraha ka sii baxayso alamtara-na soo dhaaftay, waxnna laga qaban-karin oo wixii uu meelaha Rag ka soo qaaday meeley mareen aan la garaneyn, balse isagi ku soo jeesteen markii xilkii loo egmaday gudan kari-waayeen, oo awalba hawsha ku waday Qawda maqashi waxna ha u qaban illa maamulkii isku dhex daatay sidi turubkii laysku dhex shaandheyn jiray, shacbkiina irbad qabyaaladeed inta lagu dhuftay ayuu sidi Qurbac xoolaad dhinac kasta u muqleeynaaya, albaabadi hore la soo jabiyey, darbigi qasriga madaxtooyada laga soo booday .. Siyaad oo bakeyle inu liqo ka yaabaya, waxaa afkiisa mar ka soo baxday wixii ilaahay qoray cidi ma joojin-karto, oo hadana warkiisi raaciyey; amuur baa socota .. runtana waa laga dheer yahay ..waxaan arkaya shacabkii aan waxa u qabtay oo iga raacay qashaabiirti habaarneyd ee dad-qalka ahayd, diirna aan hambeyn-doonin .. Ma filaayo shacbku iney iga reysan-doonaan oo dhogor cusub u soo bixi-doonto .. Rabi marag .. Cidna anigu ma habaarayo ee alle isagaa garsoor ah .. ducadeydana allahayow deg deg iga ajiib, ayaa hadal laga maqlo ugu dambeysay saacdo ka hor intusan ka bixin Viila Somaaliya ..Ugu Dambeyn waxaan la ii xaqiijiyey xaaladii jirtay awgeed in Maxamed Siyaad u si aada ugu Oomana kuna faraxsanaa dhimasho halkiisa ugu timaada “Qasrigiisa”.
xigasho Horweynnews.com
Araweelonews
Hargeysa Somaliland Office