X
    Categories: Qubanaha

Walaalo ku Guulaystay Tartanka Xabaalo Qodista Adduunka

Araweelo News Network


Laba nin oo walaalo ah oo u dhashay dalka Slovakia ee bariga qaaradda Yurub, ayaa ku guulaystay tartanka xabaalo qodista caalamiga (International Exhibition of funeral) oo la qabtay Khamiistii toddobaadkan.
Labada nin oo magacyadoodu yihiin Ladislav iyo Csaba Skaladan oo 43 jir iyo 41 jir ah, ayaa muddo 54 daqiiqo gudahood ah ku dhammeeyey xabaal 1.5 mitir hoos ahaan u dheer, laba mitirna dherarkeedu yahay, halka ballac ahaanna isu kala jirto 90 cm. Xabaashan waxa muddadaas saacadda ka yar ka qodeen tuulo la yidhaa Trencin oo galbeedka Slovakia ku taal.
Waxa ay tartankan kaga guulaysteen 10 qof oo ka kala yimmi dalalka Slovakia, Poland iyo Hungary. Waxa kaloo xabaashoodu noqotay ta ugu hannaan qodista wanaagsan, sida ay go’aamiyeen shan xubnood oo xeer-beegti ah.
“Waxa aan doonaynaa in aan muujinno sida ay u wanaagsan tahay shaqada adag ee xafaarnimadu,” ayuu yidhi Ladislav Striz oo tartankan bilaabay sannadkii hore, waxaannu intaa ku daray; “Xabaalaha Slovak waa kuwo buuxsamay sababo la xidhiidha farsamo xumo aawadeed, sidaa darteed waxa loo baahday xafaaro, halkii mishiin lagaga qodi lahaa. Waxa ay u shaqeeyaan si adag, waqtiyada roobabka iyo barafkaba way shaqeeyaan.”
“Aad baan ugu faraxsanahay in aannu guulaysanno, waana guul aan soo hooyey muddada 15 sanno ee aan shaqadan hayey, maantana waa in aan degdegga ku xisaabtamaa, balse inta badan marka cimiladu wanaagsan waxaan la sheekaysan karo walaalkay. Waa shaqo riyo ah,” ayuu yidhi Csaba Skaladan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post