X
    Categories: Qubanaha

Waa Kuma Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ee Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay

Warbixin: Carraale M. Jaamac

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), photo By Arraale M jama

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xilka Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland u magcaabay Siyaasiga Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kazoo jeeda deegaanka Sool.

Hadaba waa kuma Siyaaasiga Madaxweynuhu u magcaabay xilkaa, sideese rayalcaamka Bulshada looga arkay, warbixin kooban oo uu ka diyaariyay Weriye Carraale M. Jama oo ah Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network.

“Masuulka loo magcaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ma aha qof ku cusub saaxadda siyaasadda, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii Somaliland soo maray ee Madaxweynihii u horreeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Maxamed Ibraahin Cigaal, xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigan u magcawday xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Wasiirka cusub, waxa si weyn u qaada dhigay rayal-caamka bulshada, iyadoo markii Madaxweynuhu soo saaray digreetada magacaabista ah habeenkii Isniinta dadweynuhu aad uga hadal hayeen goobaha lagu kulmo, waxayna soo dhaweeyeen in siyaasi miisaan culus oo ka soo jeeda Gobolka Sool loo dhiibo wasaaradda muhiimka ah ee Daakhiliga Somaliland.
Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool ee qabta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha muddada 25-ka sanno ah ee Somaliland ka madaxbannaanayd Soomaaliya.

Dad badan oo la socda siyaasadda Somaliland, ayaa tilmaamay in masuulkani yahay qof ku habboon inuu xilligan qabto xilkaas culus, maadaama aannu ku cusbayn saaxadda siyaasadda, isla markaana ka mid yahay dadkii hormoodka u ahaa dhismaha qaranka Somaliland ee curdinka ah, waqti iyo juhdi badana geliyay, isagoo sidoo kale door weyn ka soo qaatay diyaarintii Dastuurka Somaliland ku dhaqanto waqtigan.

Md. Faratoon wuxuu noqday Guddoomiyihii u horreeyey ee Gobolka Sool sannadkii 1991-kii. Sidoo kale, dawladdii Maxamed Ibraahin Cigaal ee lagu soo dhisay magaalada Boorama 1993-kii, waxa uu ka noqday Wasiirkii Caafimaadka, balse markaa kadib xilligii ururrada siyaasadda wuxuu safka hore kaga jiray Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaasoo waqtigaas hoggaaminayey mucaaradkii ugu awoodda badnaa, laakiin markii ururkiisii ku guul-darraystay inuu u soo baxo heer xisbinimo doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee sannadkii 2002, waxa Yaasiin Faratoon ka mid ahaa garabkii ku biiray xisbigii UDUB.

Markii ay qabsoontay doorashadii Madaxtooyada Somaliland sannadkii 2003-kii, Madaxweyne Rayaale ayaa siyaasiga Yaasiin Faratoon u magacaabay Wasiirul-dawlaha Dib-u-dejinta, hase ahaatee muddo kadib wuxuu dalka uga baxay dhinaca qurbaha, isagoo iska casilay xilkaas, wuxuuna dib u soo laabtay dhawaan.

Dadka aqoonta u leh Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), waxay ku tilmaamaan inuu yahay qof aqoon iyo waayo- aragnimo u leh arrimaha maamulka, isla markaana arrimaha dhaqanka wax badan ka yaqaan, isagoo xilligii dawladdii Soomaaliya noqday macallin meelo badan ka soo shaqeeeyay. Sidaa awgeed, uu ku kasbaday wax badan, waqtiganan ku habboonaa in loo magacaabo xilka culus ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post