X
    Categories: Qubanaha

Uganda oo Mootooyinka Ambalaas ahaan loo Isticmaalo

Araweelo News Network

Kampala(ANN) lnta badan dalka Uganda waxa caan ka ah in gaadiid ahaan loo adeegsado amma dadweynuhu goobo kala duwan ku tagaan mootada oo ay u yaqanaan Boda Boda, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Kampala aad looga isticmaalo.
Mootadan amma Boda Boda inta badan sharciyada waddooyinka aad uma ixtiramaan qof kastaana meesha uu doono ayuu si degdeg ah ugu gaadhaa, balse gobollada baadiya ah ee aadka u fog, ayaa looga faa’iidaystay hab kale, iyadoo lagu rakibay qab dambe oo lagu qaado dadka bukaanka ah amma hooyooyinka fooshu hayso.
Sidoo kale, degmooyinka duleedka Kampala ku yaal waxa aad looga isticmaalaa mootooyinkan ambalaaska laga dhigtay, iyagoo faa’iido badan u keenay, bukaan aad u badan goobaha caafimaadka si deg deg ah u geeya.
Ciidammada nabadsugida waddooyinka oo khaati ka taagnaa wadayaasha mootooyinka, ayaa waqtigan ay u muuqata in hab fiican looga faa’iidaystay, iyadoo hay’adaha gargaarka caafimaadku tallooyinkan keeneen, isla markaana ku caawiyeen qalabka xagga dambe lagu rakibaayo ee ambalaaska looga dhigaayo amma qofka bukaanka ah la jiifinaayo.
“Dad badan ma haystaan lacag amma gaadiid ay dhakhtarka ku tegaan, badankoodu way noo yimadaan si aan cusbitaalka u geyno,” ayuu yidhi mid ka mid ah darawalada amma wadayaasha mootooyinkan
Haweenka isticmaalay ayaa soo dhaweeyey, iyagoo sheegay in haddii aanay heli lahayd mootooyinkan amma xirfadan cusub ay dhibaato la kulmi lahaayeen amma ay umul aroori lahaayeen.
Sidoo kale, mootooyinkan waxa ay baabuurta kaga fiicnaadeen waxa ay galaan meelo aanay geli karin baabuurto amma dhul raf ah oo aanay marin karin sida ay wadayaashu u sheegeen barnaaminka Focus on Africa ee BBC-da laga sii daayo, isla markaana warbixin ka diyaariyey habkan cusub ee mootada looga isticmaalo Uganda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post