X
    Categories: Qubanaha

Tansaniya: Wasiir Xilka Lagaga Qaaday Maandooriye uu Cabbay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha dalka Tansaniya Mr. John Magufuli, ayaa shaqada ka eryey Wasiirkiisii Daakhiliga oo sakhraamay, baarlamaankuna ku eedeeyeen inuu ceeb ku yahay dawladda, xilkana laga qaado, sida uu sheegay Ra’iisal-wasaare Kassim Majaliwa maalintii Sabtida ee toddobaadkan.
“Madaxweynuhu waxa uu xilka kala noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Charles Kitwanga, kadib markii laga soo gudbiyey warbixin barlamaanku ku sheegeen inuu ku guul-darraystay inuu si fiican uga jawaabo su’aalaha. Wasiirrada iyo saraakiisha dawladdu waa in ay la yimaaddaan sharaf iyo karaamo,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Majaliwa oo la hadlayey Wakaaladda Wararka Dawladda ee TBC (Tanzania Broadcasting Corporation) oo Jamhuuriya soo xigtay.
Madaxweynaha Tansaaniya iyo Ra’iisal-wasaarahiisa ayaa intii ay xilka qabteen yareeyey kharashaadka dawladda ee macno-darrada ku bixi jiray, iyagoo xakameeyey dhaqanno xun oo wasiirrada iyo saraakiisha dawladdu ku dhaqmi jireen oo musuqmaasuqu ugu horreeyo, halka uu joojiyey kharashaad ku bixi jiray dabbaaldegga maalinta madaxbannaanida, waxaannu dhawaan amray in la baadho shaqaale badan oo la caaglaysto oo ku jira mushaharka dawladda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post