X
    Categories: Qubanaha

Taariko Baabuur oo Lagu iibiyey Lacag Dhan $8.4 Milyan

Araweelo News Network

Lambarkii ugu horreeyey ee la siiyo gaadhi lagu wato magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa nin ganacsade ah ku iibsaday lacag 31 milyan oo dirham, una dhiganta $8.4 milyan doollar, kadib markii lagu soo bandhigay goob xaraash ah Sabtidii toddobaadkan.
Ganacsadahan oo la yidhaa Cabdullah Al-Mehri oo 22 jir ah, ayaa taarikada baabuurka ku iibsaday lix-jibbaar lacagta xaraashka loo dhigtay.
Taarikadan oo lambarkeedu yahay “1” waa tii ugu horraysay ee laga bixiyo magaalada Abu Dhabi si loogu xidho gaadhi.
“Aad baan u xiisaynayaa inaan ku guulaysto taarikada 1aad. Waxaan dareemayaa cajiib, waxaanan rajaynayaa inaan lacagtaas bixiyo. Inta badan waan tagaa meelaha xaraashka si aan u helo waxyaabo cajiib ah oon lacag badan u siisto,” ayuu yidhi Cabdullah oo la hadlay wargeyska wargeyska Gulf News oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kale oo uu wargeys maxalli ah oo Imaraadka ka soo baxa u sheegay in taarikadan tahay mid ay aad u jeclaayeen madaxdii soo xukumay Imaraadka, iyagoo in badan jeclaa in ay gacanta ku dhigaan.
Mr. Al Mehri waxa uu arrintan kaga guulaystay ganacsato badan, gaar ahaan xaraashkan oo ay qabatay bandhiga lambarada baabuurta amma taarikada ee taariikhda ku suntay (Vanity Number Plate Auction) oo inta badax ay qabato Xarunta Xaraashka Imaaraadka oo la kaashada booliska Abu Dhabi.
Taarikada koowaad ee Abu Dhabi (Abu Dhabi plate number one) waxa hore loogu iibiyey 52.2 milyan oo dirham oo uu ku iibsaday ganacsade Imaaraadka u dhashay sannadkii 2008.
Sidoo kale, bishii hore ayaa ganacsade u dhashay dalka Hindiya, kana shaqaysta magaalada Dubai waxa uu warbaahinta ku soo jiitay, kadib markii uu taariko lambarkeedu yahay D5 ku iibsaday 33 milyan oo dirham ($8.98 milyan).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post