Araweelo News Network

taarikadaLambarkii ugu horreeyey ee la siiyo gaadhi lagu wato magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa nin ganacsade ah ku iibsaday lacag 31 milyan oo dirham, una dhiganta $8.4 milyan doollar, kadib markii lagu soo bandhigay goob xaraash ah Sabtidii toddobaadkan.
Ganacsadahan oo la yidhaa Cabdullah Al-Mehri oo 22 jir ah, ayaa taarikada baabuurka ku iibsaday lix-jibbaar lacagta xaraashka loo dhigtay.
Taarikadan oo lambarkeedu yahay “1” waa tii ugu horraysay ee laga bixiyo magaalada Abu Dhabi si loogu xidho gaadhi.
“Aad baan u xiisaynayaa inaan ku guulaysto taarikada 1aad. Waxaan dareemayaa cajiib, waxaanan rajaynayaa inaan lacagtaas bixiyo. Inta badan waan tagaa meelaha xaraashka si aan u helo waxyaabo cajiib ah oon lacag badan u siisto,” ayuu yidhi Cabdullah oo la hadlay wargeyska wargeyska Gulf News oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kale oo uu wargeys maxalli ah oo Imaraadka ka soo baxa u sheegay in taarikadan tahay mid ay aad u jeclaayeen madaxdii soo xukumay Imaraadka, iyagoo in badan jeclaa in ay gacanta ku dhigaan.
Mr. Al Mehri waxa uu arrintan kaga guulaystay ganacsato badan, gaar ahaan xaraashkan oo ay qabatay bandhiga lambarada baabuurta amma taarikada ee taariikhda ku suntay (Vanity Number Plate Auction) oo inta badax ay qabato Xarunta Xaraashka Imaaraadka oo la kaashada booliska Abu Dhabi.
Taarikada koowaad ee Abu Dhabi (Abu Dhabi plate number one) waxa hore loogu iibiyey 52.2 milyan oo dirham oo uu ku iibsaday ganacsade Imaaraadka u dhashay sannadkii 2008.
Sidoo kale, bishii hore ayaa ganacsade u dhashay dalka Hindiya, kana shaqaysta magaalada Dubai waxa uu warbaahinta ku soo jiitay, kadib markii uu taariko lambarkeedu yahay D5 ku iibsaday 33 milyan oo dirham ($8.98 milyan).