Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba inuu Yusuf Garaad ahaa nin la daadegey miisaankii idaacadu lahayd inkasta oo ay soo bexeen waqtiyadiisii idaacado iyo telefiishano dadka soomaalida ah warar badan siiya oo yareeyey inay war ka sugaan BBC-da oo keliya, dhinaca kalena waxay dad badan ku canaantaan Yusuf Garaad inuu idaacada ka soo buuxiyey dad aan xirfad badan iyo aftahamo toona lahayn oo isaga ay is xigaan amma dano kale ka dhexeeyaan.
Dadka qaar ayaa aaminsan inaanu jirin horumar weyn oo Idaacada BBC-da laanteeda Af-Soomaaligu ku tallaabsatay muddadii ay jirtay marka laga reebo inay had iyo jeer isku dhigto inay wararka billaabeen iyada oo aanay dadka Somalida ah lahayn idaacad kale oo ay war ka dhegeystaan, taas oo noqonaysa gartood maadaama aanay la kulmin cid la tartantay oo saaxada saxaafada ku jirtay.
Wariye Cawke AHUN ayaa waraysigii ugu horeeyey ee u siiyey idaacada VOA markii u ka tegey BBC-da waxa uu ku sheegay inay BBC-du xuurto ku haystay dhegeystayaasheeda iyo shaqaaleheedaba oo lagu qasbanaa in laga sheqeeyo amma la dhegeysto maadaama aanu jirin badiil kale laakiin waqtigan xaadirka ah shaqaalaha iyo dhegeystayaashuba ay ka xoroobeen xuurtadaas.
Marka aynu leenahay may samayn horumar waxa aynu ka dhinbiil qaadanaynaa oo aynu barbar dhigaynaa laamaha kale ee ka hadla idaacada BBC-da, tusaale ahaan laanta Af-Carabida oo siddii aynu soo tilmaanay ah laanta ugu da’da weyn uguna horeysay waxa billaabay jiil cajiib ah oo ku suntan saxaafada afka carabida ku hadasha haday tahay Idaacadaha, Wargeysyada, Telefiishannada, Qoraallada buuggaagta iyo Website-yadaba, waxay hormood u noqdeen inay soo baxaan dad aad u tiro badan oo maanta meel aad u qiimo badan ka gaadhay wax qorista iyo wax sheegida, halka odayaashii laanta Afsomaliga ka shaqaynayey ay isku iloobeen inay ka hadlaan amma ka waramaan oo keliya siday shaqada u qaban jireen marka laga reebo tobabaro kooban oo aan wax badan soo kordhin.
Aasaaskii telefiishanka Aljazeera ee Af-Carabida ku hadla wuxuu ka dhashay inay bud-dhig u noqdaan rag waaweyn oo idaacada BBC-da ka shaqaynayey kuwaas oo maanta saameyn ba’an ku leh wadamada Carabta iyaga oo ka qayb qaatay fufka iyo kacdoonka qoraalka iyo isbedelka saxaafada Carabta oo ahayd mid dawlado ay iska leeyihiin , waxa xusid mudan in jiilkaa idaacada BBC-da qaar badan oo ka mid ah ay soo saareen buuggaag wargeyska New Times ku tilmaamay inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa amma ugu iibka badnaa ee dhulka carabta lagu qoro.
Waxay ka shaqeeyeen inay sameeyaan xarumo waaweyn oo lagu toobabaro dadka xiisaha u haya amma leh hibada qoraalka, hadalka iyo farsamada kuwaas oo iyaga laftoodu noqday qaar ka xoroobay inay u xagliyaan dalal gaar ah, nin jecleysi iyo danaysi toona, taas oo ay kaga duwan yihiin rag badan oo idaacada bbc-da soo maray oo lagu xaman jirey in had iyo jeer ay u xagliyaan gobolada ay ka soo jeedaan.
Haddaba anigu waxa aan aaminsannahay in midhahaasi ay yihiin kuwa laga goostay idaacada BBC-da guud ahaan gaar ahaana laanteeda Af-Carabida sababta oo ah sannadkii 2007-dii ayaan daawaday barnaamij lagu xusayey toban guuradii telefiishanka Aljasiira, barnaamijkaas oo lagu magaacaabo Taxtal Majhar (Under microscope) amma Weyneeyaha Hoostiisa…..waxa lagaga hadlayey siddii loo sameeyey telefiishanka Aljazeera iyo doorkii ay ku lahaayeen odayaashii BBC-da ka shaqaynayey.
Waxa aan aad uga helay sida la yaabka leh ee odayaashaasi ay ugu hawl galeen khibradoodii ee ay u dhaqaajiyeen telefishanka Aljazeera oo muddo kooban guddeheed ku noqday inuu dalalka Yurub dhexdooda kula tartamo warbaahintii taariikhda lahayd ee wadamadaas ka jirtay, laakiin markii aan barbar dhigay hawshaas dadka soomaalida ah ee ka shaqeeyey BBC-da waxa aan dhinacna u dhaafin waayey inuu wax qabadkoodii ku soo ururay ka waranka ereyo kooban oo Af-soomaaliga ay ku soo kordhiyeen oo haddii la tiriyo aan labaatan erey gaadhayn iwm taas oo calaamad u ah inaanay shaqaalihii BBC-da Af-Soomaaligu ciyaarin doorkii ay dadka Soomaalida ah ka sugayeen.
Waa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo aan ila qabin fikirkan laakiin waxa aan is leeyahay haddii si furan oo dhexdhexaadnimo ah loo qiimeeyo lixdanka sanno ee ay jirtay BBC-da Af-somaligu lagama yaabo inay xaqiijisay heerkii looga baahnaa maadaama ay ahayd idaacadii ugu horeysay ee si xor ah u jeedisa wararka Soomaalida, wariye Cawke AHUN waxa u yidhi in la yidhaahdo waa idaacad weyn waxa ka dhalanaya in la is weydiiyo immisa dawladood oo waaweynaa ayaa burburay maanta sida midawgii Soofiyati oo maanta Ruushka loo yaqaan iyo dawladii Soomaaliya lafteeda oo iyana maanta buburtay, lama eego ayuu yidhi shaygu inuu weynaan jirey ee waxa la eegaa halka uu marayo oo iftiimiya awooda shaqaalaha iyo hufnaanta siyaasada loogu talo galay in lagu hago.
Maanta dhammaan dadkii ka sheqeeyey BBC-da Afsoomaaliga ah waxa ay wali yihiin dad shaqaale ah oo aan bulshada wax badan gashan, sidoo kalena waxay intooda badan iska daayeen inay sii wataan aqoontooda oo ay ka gaadhaan heerka ugu sareeya ee aqoonta PHD iyo meelaha ku siman sida laamaha kale ee BBC-da, haddii aad tahay qof ku xidhan idaacada BBC-da laanteeda Ingiriisiga amma Carabiga waxa laga yaabaa inaad dheegeysato nin barnaamij diyaariye ah oo sita PHD, halka Soomaligu wali aanu dhaafin makarafoon yar iyo rikoodh uu is daba sido oo keliya, waana madhnaan tilmaamaysa horumar xumada haysta dadka Soomaalida ah.
Ugu dameyn marka aan dhegeysanayo idaacada BBC World Service waxa aan dareemaa inaa ku jiro fasal ay macallimiin professero wax ka dhigayaan taas oo xoog uga duwan marka aan isku dayo inaan Afsomaliga dhegeysanayo sidaa darteed ayaa waxa aan qormadeenan ku soo gebo gebeynayaa barnaamijyada ugu caansan ee aan inta badan ka dhegeystay BBC-da waxaana ka mid ah: Letter from America oo socon jirey 15 daqiiqo waxa sii deyn jirey oday khabiir ah oo kolba dhacdo ka warami jirey oo la odhan jirey Alistair Cooke, waxa ka mid ah Have Your Say oo toddobaadle ah waxa diyaaariya Bridget Kendall, waxa kale oo ka mid ah Culture Shock , Europe Today, The Forum, From Our Own Correspondent, Science in Action, World Book Club, Doha Debate, dhinaca wararka The World Today , World Update oo u sii daayo wariye caan ah oo lagu magacaabo Dan Damon kaas oo billaabma saacadu markay 12:00 duhurnimo geeska Afrika ilaa 2:00 duhurnimo iyo Newshour oo soo gala waqtiga geeska Afrika 3:00 galabnimo waxaana inta badan soo jeediya wariyaha caanka ah ee Julian Marshall oo diyaarsanaantiisa darteed ku qaatay abaalmarino badan oo dahab ah. waxa aan wariyahan ku xasuustaa doorashoyinkii Somaliland ee madaxweyene Dahir Rayaale ku guulaystay ayuu weydiiyey Julian Marshall wariye Xasan Bariise oo Hargeysa joogay su’aal ahayd maxay ku kala duwan yihiin sadexda xisbi dhinaca dhaqaalaha, siyaasada ammaanka iyo xidhiidhk dibdeda? Xasanna wuxu kaga jawaabay waa isku mid oo Soomaalidu wax la sheego oo ay ku kala duwan yihiin ma jirto. anna waxa aan ku soo gunaandayaa qoraalkan wariyayaasha Soomaalidu meeshay doonaan ha ka sheqeeyaane waa isku mid hadday joogaan idaacad caalami ah amma mid maxali ah.
Xiggasho: beershiya.com/