X
    Categories: Qubanaha

Sucuudiga oo Gacanta ku Dhigay Kiniin Daroogo ah oo Lagu Dhex Qariyey Moobilo Qur’aanka Lagu Barto

Araweelo News Network

Riyadh(ANN)-Saraakiisha Kastamka Madaarka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid International Airport ee ku yaal caasimadda dalka Sucuudiga, ayaa awood u yeeshay in ay qabtaan 11,000 (kow iyo toban kun) oo kiniin darooga ah (Captagon plls), kaasoo lagu soo dhex qariyey moobilo (Tablets) loo diyaariyey in ay qur’aanka uun lagu barto.
Agaasimaha Madaarka Boqor Khaalid, Mr. Maxamed Al-Aqeel, ayaa sheegay in hawlgalka saraakiisha kastamku ay qaadeen uu dibadda u soo saaray awoodda xirfadeed ee lagu heli karo waxyaabo si khiyaamo ah madaarka looga dhoofiyo amma looga soo dejiyo, tusaalena ay u yihiin dadka Qur’aanka ku gabbaday ee daroogada ku soo hoos qariyey. Sida uu sheegay waxa saraakiishu heleen lakab qarsoodi ah oo ku hoos jiray looxa saxaaradda moobilada lagu soo dejiyey, taasoo loogu tagay 2,832 kiniin oo nooca maandooriye ahaanta loo isticmaalo ah.
Waxa uu intaa ku daray in qalab kan la mid ah oo diyaarad kale ka soo degay laf ahaantiisana laga helay kinniinadaas daroogada ah oo si xirfadaysan loogu lifaaqay lakab hoose oo ka mid ah saxaaradda ay ku soo degeen moobilada Qur’aanku ku duubnaayeen.
Kiiniinada Captagon waa mid ka mid ah magacyada ganacsi ee loo yaqaan mid ka mid ah daroogooyinka ka kooban falgalada la yidhaa Fenethlline hydrochloride. Kiniinkan waxa ay cariyaan hab-dhiska dhexe ee neerfisyada, waxaanay kor u qaadaan feejignaanta, fahanka iyo firfircoonida jidhka, qofkana waxa ay ka dhigaan mid aad awood badan, iyadoo ay arrimahaasina ka mid yihiin waxyaabaha daroogooyinka mamnuuca ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post