X
    Categories: Qubanaha

Somaliland: Tallo Haween Iyo Odday Talax-gabay

Taxanaha Gorfaynta Siyaasada Somaliland: By. Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
March 2010, marka xusuusta dib loo celiyo, wax walba way ka duwanaayeen sida ay hadda u muuqdaan, ama ay yihiin.
Yididiilo iyo rajo wanaagsan ayay laabta ku siteen boqolaal kun oo u baddan dhalinyaro, waxa la naawilayay qabsoomida doorashooyin marar baddan dib u dhacay, kuwaas oo la filayay inay isbedel iyo horseed u noqdaan tabashooyin is biirsaday oo soo taxnaa tan iyo markii Timaha loo tidcay qaranimada Somaliland oo Jiilba Jiil kasoo dul dhacay, iyadoo ay shaqo la’aanta, nolol xumada iyo dhibaatooyin horseeday inay kumanaan dhalinayaro ah ka haajiraan dalkooda. Kadib markii ay xamili waayeen dhibaatooyinka ay tebbayaan ee xalka loo waayay.

Maraka aynu dib u jaleecno maanta oo kale shan sannadood ka hor, waxa maalmahaa ka hor bilo laga soo doogay duufaano siyaasadeed iyo dakharo ka dhashay doorashooyin doon iyo muddo kordhin doon, dib u dhac doorasho oo soo noq-noqday, taas oo mranka ka dhashay marar baddan xaaladu faraha ka bixi gaadhay, balse ugu danbayntii dhex-dhexaadintii beesha caalamka oo markii u horaysay Somaliland muran siyaasadeed ay shisheeyuhu soo fara geliyaan, isla markaana heshiis Lix qodob ka kooban laysla gaadhay.
La soco—————
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post