“Dhammaan Kala Wareejinta Iyo Iibka Nootaayooyinka haddii aan la dabakhin wuxuu noqonayaa mid aan sharci ahayn,” Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Horrumarinta Somaliland ayaa soo saartay qaab casri ah oo ah nidaamka is-wada oo muwaadiniinta u fududaynaya inay Cashuurta ku waajibtay si fudud ugu bixin karaan Nidaamka casriga ah ee Online-ka.

Dhammaan Nootaayooyinka ayaa si gaar ah loogu wargeliyay inay dabakhaan shariga nidaamka  muwaadiniinta Cashuuraha Kala-Wareejinta Iibka Hantida guurtada ah, taas oo qayb ka ah qorshaha Wasaaradda Horrumarinta Maaliyadda ee kordhinta wax-soo-saarka dakhliga oo qayb weyn ka noqonaya qorshaha qaranka ee xukuumadda cusub.

Nootaayiiyinka ayaa looga digay in aannay  u hoggaansamin nidaamka, iyadoo muwaadiniintana loogu baaqay inay nidaamka Online-ka ku bixiyaan cashuuraha ku waajibay, iyadoo nidaamka casriga ah u fududaynayo bixinta cashuurta ku waajibtay iyagoo guryahooda ama xafiisyadooda jooga.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo qayb ka ah dar-dar gelinta waajibaadkeeda shaqo ee ururrinta Dakhliga cashuuraha waxay  ku baaqay isticmaalka Nidaamka Online-ka ah Ee Qabashada Dakhliga .

Muuqaalkan hoose ayay ku sharaxayaan masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu nidaamka casriga ee is-wada.