X
    Categories: Qubanaha

Siyaasiga Reer Kenya Ee Faarax Macallin ma Weriye ayuu noqday?

Faarax Macallin oo fadhiya stuudiyaha telefishenka NTV Kenya

Nairobi(ANN)-muuqaal uu soo duubay Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin oo sannadihii 2007-da ilaa iyo 2013-ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii barlamaanka Kenya. ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee dalka Kenya.
Muuqaalkan oo uu horudhac uga dhigay barnaamij uu sheegay in uu daadihin doono, isla markaana laga baahin doono Telefishenka Ebru ee dalka Kenya, ayaa waxaa uu ku sheegay in uu uga golleeyahay sidii loo falanqeyn lahaa arrimaha ka taagan dalka Kenya oo ay kamid tahay hay’adda sharci dejinta.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Faarax macalin ma wuxuu isu badelay Weriye?

Dad badan ayaa isweydiiyay mar haddii Faarax uu noqon doono barnamaij daadihiye oo uu isu badelay Weriye, hasa yeesehee wareysi ay BBC-du la yeelatay ayaa Faarax Macalin waxa uu sheegay in aanu isu badelin saxafi, balse uu yahay qof doonaya in barnamaijkaasi lagu taxliiliyo waxyaabaha ka taagan Kenya.

”Maya anigu Weriye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada doodaha ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo Weriyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaa BBC-da u sheegay Faarax Macallin oo difaacaya mawqifkiisa.

Faarax Macallin, ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu yahay mid dadka loogu bidhaamin doono waxyaabo badan, isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijka HardTalk ee BBC-da iyo barnaamijkii Jesse Jackson oo ahaa nin u olloleyn jiray xuquuqda dadka rayidka ee Mareykanka, soona bandhigi jiray barnaamijyo dooda ah oo lagaga hadlayo waxyaabaha ka taagan Mareykanka iyo arrimaha bulshada.

”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigaa ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin.

Dhexdhexaadnimada

Inta badan siyaasiyiinta ayaa looga bartay in ay aad u difaacaan afkaarta ay aaminsanyihiin, hasa yeeshee Faarxa ayaa sheegay in dooda uu daadihiin doonaa ay u baahantahay oo keliya in la ilaaliyo anshaxa iyo asluubta, balse aanu jirin qof dhexdhexaad ah, wuxuuna intaa raaciyay in uu aqoon u leeyahay qeybinta doodaha, maadaama uu hore usoo noqday ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya isagoo katirsan xisbi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post