X
    Categories: Qubanaha

Sirdoonka Maraykanka oo Daba-gal ku Hayey Feedhyahankii Caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalay

Araweelo News Network

Marka dib loogu noqdo sannadkii 1966kii waxa soo baxday in hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI-du si dhaw ula socotay feedhyahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalay oo geeriyooday sannadkan. Waxa ay baadhitaan ku hayeen xidhiidhka uu la lahaa ururkii islaamiga ahaa ee National of Islam, gaar ahaan waxay si dhaw ula socdeen wixii ka dambeeyey markii uu khudbada ka jeediyey masaajid ku yaal magaalada Miami ee.
Arrintan waxay ka soo dhex baxday dukumanti FBI-du baahisay dhawaan, kaasoo khuseeya waxyaabo taariikh ah iyo macluumaad kala duwan oo hadda loo arkay in aanay qarintoodu ahayn sir muhiim ah.
Marxuum Maxamed Cali oo geeriyooday bishii June ee sannadkan 2016 isagoo 74 jir ah, ayaa wanaaggii iyo magacii uu lahaa dibada u soo baxay markii uu dhintay, isagoo masuuliyiin madaxweynayaal hore ka mid yihiin aaskiisa ka qaybgaleen, kana ammaaneen.
Haddaba, dukumantigan waxa ka soo baxay in FBI ay muddo badan ku daba jirtay Maxamed Cali Kalaay, Martin Luther King Jr iyo John Lennon, gaar ahaan intii u dhexaysay lixdamaadkii iyo toddobatamaadkii.
Dukumantigan oo ahaa mid xasaasi ah muddo badanna la qarinayey waxa la sii daayey oo la baahiyey markii koox la yidhaa Judicial Watch ay ku dacdooween in la baahiyo, dacwadiina ay ku guulaysteen.
Waxa si gaara uga muuqday dukumantiga in niman sirdoon ah laga codsaday inay si dhow ula socdaan xaaskii ay kala tageen Maxamed Cali Kalay, iyagoo ku doodayey in ay xog ka heli karaan dabagalkeeda.
“Xafiiska sirdoonka ee Miami (FBI) waxa uu codsanayaa in lala socdo furiinka ka dhaxeeyey Cassius iyo Sonja Clay, gaar ahaan in ay jiraan xidhiidho ururka NOI (Nation of Islam) oo keenay in ay marin habaabin samaynayaan lammaanahan,” ayaa lagu yidhi dukumantiga.
In badan oo dukumantiyadan sirta ka mid ah waxa ay ka hadlaayeen khudbaddii uu 1966kii ka jeediyey masaajidka Miami, kuwaasoo u badnaa sababihii keenay in laga qaado hoggaanka feedhka adduunka, meelo badan oo ka mid ahna ku canananayey ragga caddaanka ah.
FBI waligeed su’aalo ma waydiin, baadhitaan toos ahna kuma ay samayn Maxamed Cali Kalay, dabagal iyo basaasid ay muddo dheer ku hayeen mooyaane.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post