X
    Categories: Qubanaha

Sidee Loo Nadiifiyaa Kabcad?

Araweelo News Network

 

Munaasibad lagu nadiifinayo Kabcada barakaysan, ayaa ka bilaabantay magaalada Makkah Al-mukarama ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabaya, taas oo uu ka qaybgalay Amiir Kahled Al Fa’isal.
Marka kabcada la maydhayo sannad kasta waxa la raacaa hannaan iyo tusaale uu dejiyey Nebi Maxamed (SCW), sidaa darteed Amiir Khaalid oo ay wehelinayaan dad karaamo ku leh Sucuudiga, ayaa bilaabay in ay nadiifiyaan gudaha gidaarka Kabcada, kuwaasoo isticmaalayey maryo lagu qooyey biyaha Samsamka oo lagu daray cadarka Cuudka la yidhaa, kadibna si toos a loogu maydho gidaarka gudaha ee Kabcada.
Wargeyska Saudi Gazette oo Jamhuuriya soo xigtay, diyaarinta maydhitaanku waxa ay bilaabantay maalin uun ka hor waqtiga la isku raacay, iyadoo biyaha Samsamka lagu sii daray cadarro kala duwan sida Taif Rose, Cuud iyo kuwo kale oo aad u udgoon. Inta badan waxa loo isticmaalaa in gidaarka lagu masaxo tuwaallo, kadib marka shaqaalaha hawsha maydhista la dhammeeyo waxa Kabcada la saaraa maro madow oo aad loo carfiyey.
Inta badan gidaarka gudaha kabcada barakaysan waxa lagu maydhaa maro cad oo cadarro kala duwan oo aad u udgoon leh, kadibna waxa gacmaha lagu mariyaa cadar cuud ah, iyadoo la isticmaalayo caleen ballaadhan amma caleenta geedka timirta (Palm leaves).
Maydhitaanka waxa lagu dhammeeyaa muddo laba saacadood ah. Gidaarka Gudaha ee Kabcadu waa saddex mitir dherer ahaan, dibaddana waxa lagu daboolaa maro cagaaran oo xariir ah, halka furaha Kabcaduna dhererkiisu yahay 25cm, sida uu daabacay wargeyska Saudi Gazette.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post