X
    Categories: Qubanaha

Shirkadda Daabacaadda Casriga ah ee SAGALJET oo Wacdaro Ka Dhigtay Carwada Buugaagta Hargeysa

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)-Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET, ayaa wacdaro layaab leh ka dhigtay carwada bandhigga buugaagta Hargeysa, waxana ay noqotay shirkadda iska leh daabacaadda inta badan buugaagtii halkaas lagu soo bandhigay oo iibsigooda looga yimmi meelo badan oo caalamka ah.
Dhaqdhaqaaqyada ku saabsan kala iibsiga buugaagta afka Hooyo ee Soomaaliga ku qoran iyo kuwa afafka qalaad ku qoran ee madasha carwada Hargeysa lagu soo bandhigay, ayaa noqday qaar ay si weyn uga dhex muuqato shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET, waxayna yeelatay xuquuqda daabacadda tirabadii ugu badnayd ee buugaagta carwada lagu soo bandhigay, waxana ay taasi marag u tahay dedaalka ay shirkaddani ku jirto iyo sida ay u buuxisay baahidii daabacaadeed ee dalku qabay.
Madaxa xuuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha shirkadda SAGALJET Md. Sacad Cabdi Daahir oo isagu hormood ka ahaa dhaqdhaqaaqyada iyo tallaabooyinka horumarineed ee shirkaddani qaaday, ayaa si mug leh u sharraxay kaalinta ay kaga jiraan carwada buugaagta Hargeysa iyo xaddiga buugta ay daabacday ee halkaas lagu soo bandhigay, waxana uu yidhi; “Waxaannu caddaynaynaa in haddii aanu nahay shirkadda daabacaadda SAGALJET aanu nahay shirkadda daabacday tirada ugu badan ee Buugaagta carwada la keenay, taasina farxad gaar ah bay noo tahay. Shan sanno ka hor haddii aad dib u eegto buugaagtii carwada la keenay waxa ay u badnaayeen qaar lagu daabacay dalka dibaddiisa, laakiin maanta buugta ugu badan ee meesha taalla dalka gudihiisa ayaanu ku daabacnay, waxana aanu markasta u taaganahay kor u qaadista akhriska iyo qoraalka iyo dhammaanba waxyaabaha xoojinaya inay dadka wax qorayaa helaan fursad ay kusoo bandhigaan qoraalladooda.”
Abwaanno, qoraayo iyo mu’allifiin farshaxannimo qoraaleed hibo u leh oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu bogaadiyey shirkadda SAGALJET sida hagar la’aanta ah ee u dabooshay baahidii daabacaadeed ee dalka taallay iyo waliba middii dadka Afka Soomaaliga ku hadla, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay hormoodka shirkadda SAGALJET dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.
Sidoo kale, qaar ka mid ah dadweynaha xiiseeya Akhriska ee madasha carwada ka qaybgalay oo halkaas ka hadlay, ayaa shirkadda daabacaadda ee SAGALJET uga mahadceliyey sida ay u fududaysay, una daabacday noocyo badan oo buugaag xikmado iyo dhacdooyin xiiso badan xambaarsan, waxana ay sheegeen inay maanka ku hayaan doorka badbaadinta qoraalka iyo akhriska ee shirkadda SAGALJET bulshada dhexdeeda ku leedahay.
Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey horumar xawaare dheeraynaya ku socday ka samaynaysay arrimaha daabacaadda iyo weliba horumarinta iyo nashaqadaynta xayeysiisyada kala duwan ee dalka laga sameeyo, waxana ay tusaale wacan u noqotay shirkadaha tayada iyo horusocodka lagaga daydo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post