X

Shirkada Google Oo Heshiis La Gashay Wargeysyada Ugu Caansan Dunida Kaddib Canbaarayn Muddooyinkii U Danbeeyay Suuqa Ganacsiga Google Soo Waajahday

Brussels (ANN)Wargaysyada ugu waaweyn dhinaca dalalka Yurub oo sanadii u danbeeyay cabashooyin la xidhiidha dhibaatooyin dhaqaale oo shirkada Google ay horseed ka tahay, isla markaana la daalaadhacayay in ay la qabsadaan horumarka dhanka Tichgnolojiga casriga ah ee internetka oo ay ku waayeen malaayiin akhristeyaal ah iyo dakhli uga soo xaroon lahaa xayaysiisyada, ayaa guul aan buurnayn ka gaadhay tabashadooda dhinaca Shirkada Google.

Wargeysyada ugu waaweyn aduunka oo ay hormood u yihiin kuwa ugu caansan, ayaa ku dooday inay aaminsanyihiin in shirkadda Googal ay ka qaybqaaadanayso mushkilada soo waajahday ee ay ku waayeen malaayiin akhristayaashooda ah iyo lacag baddan oo ay ka heli jireen xayaysiisyada shirkadaha ee ay boggaga wargeysyadooda ku xayaysiin jireen oo waqtigan casriga ah ay la wareegtay shirkada Google.

shirkadda wax laga baadhto ee Google waxa ay qiratay in ay ku khaldantahay sida ay ula dhaqanto warbaahinta, waxayna hadda ogolaatay inay heshiis cusub iyo iskaashi yeeshaan wargeysyada.

Google, waxay sheegeen inay ku dhawaad boqol iyo toban milyan oo pound ay ku maalgalindoonaan mashaariic cusub oo warbaahinta loogu adeegsanayo Oline-ka, waxa ayna balanqaadeen in ay la tashan doonaan ururada wargaysyada si ay lacag baddan ugu helaan wax soo saarkooda.

Talaabadan, waxa soo de dejiyay kaddib markii Midawga Yurub dhowaan ku eedeeyay Shirkada Google inay si xun u adeegsanayso suuqa balaadhan ee ay haysato ee dhinaca Internet-ka iyo raadinta macluumaadka.

Labada Wargays ee kasoo baxa dalka Britain ee The Gurgian iyo the Financial Times ayaa ka mid ah ah wargaysyada ka qayb qaadanaya wadahadalka lala galay shirkada Google, balse labadooduba waxay ka muujiyeen rajo xumo heshiiskaa, iyagoo sheegay in heshiiskaasi aanu hirgalayn inta ay Google ka badalayso shuruucdeeda u yaal xiligan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post