X
    Categories: Qubanaha

Shimbir Farriin Hanjabaad ah u Siday Ra’iisal-wasaaraha Hindiya oo La Qabtay

Araweelo News Network

Shimbirta loo yaqaan baaska oo ka duushay xagga dalka Pakistan, ayaa ciidammada ilaalada xeebaha dalka Hindiya qabteen, kadib markii ay ka heleen farriin hanjabaad ah oo ku socotay Ra’iisal-wasaaraha Hindiya Mr. Narendra Modi.
Warqaddu waxay ku qornayd luqadda Urdu oo inta badan lagaga hadlo Pakistan, waaana ku qornaa (Modi Ji, ha noo tixgelin sidii dad oo ku jira sannadkii 1971kii (Indo-Pakista war). Hadda qof kasta iyo ilmo walba wuxuu diyaar u yahay inuu Hindiya la dagaallamo.”
Shimbirtan oo midabka dameeriga a leh waxa gacanta ku dhigay ciidammada BSF (India’s Border Security Forces) oo joogay istaan la yidhaa Simbal oo ka tirsan degaanka Bamial sida wargeyska Times of India daabacay shalay.
Baadhe boolis ah oo la yidhaa Ramesh Kuma, ayaa sheegay in shimbirtaas meel lagu xidhay, baadhitaanna lagu hayo.
Farriin la mid ah tan oo kale oo lagu soo xidhay laba buufin (Biibiile), ayaa lagu qabtay dhawaan isla gobolkaas, halka farriin ay shimbir baas ah wadday oo Urdu ku qornayd oo hanjabaad a lagu qabtay Degmada Hoshiarpur oo ka mid ah Gobolka Punjab bishii September.
Xaaladda dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa dhawaanahan dib u xumaatay, kadib markii ciidammada Hindiya ay dileen hoggaamiyaha goonni goosadka Mr. Burhan Wani ee degaanka Kashmiir oo bishii July ku dhintay buuraha Himalayan oo ciidammada Hindiya hawlgal culus ku qaadeen.
Bishii September waxa xarun ciidan oo la weeraray lagu dilay 18 askari, iyadoo maamulka New Delhi arrintaas ku eedeeyeen in laga soo maleegay Islamabad.
Dalka Hindiya iyo Pakistan waxa dagaalka ugu xuma dhex maray 1971, waxaannu socday 13 maalmood, kaasoo sababay in degaanno badan Hindiya iyo Pakistan ka go’aan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post