Wuxuu ahaa muuqaal ahaan sawir aad ii soo jiitay oo ka turjumaya Nollosha dhaqankeena ee Reer guuraaga ah, bishii hore ee May 2019, ayaan ku arkay bogga hore ee mid ka mid ah Boggaga facebook ee Bulshadda Soomaalidu sida aadka ah u isticmaasho.
Muuqaalka Sawirka, ayaa ahaa Wiil yar oo Soomaali ah oo la jooga Meessiga Soomaalidu ugu jeceshahay xoollaha ee Geella, Wiilkaa yar, oo qiyaasatii da’adiisa aannay ka badnayn ilaa 16 Jir, wuxuu ahaa Wiil yar oo qurxoon oo midabkiisu yahay ka Soomaalidu u taqaan, “Mas Ciideed” wuxuu ku lebisnaa Garan midka Soomaalidu u taqaan darmeeriga oo gamca go’an, Macawis midabo, madaw, casaan iyo caddaan ah, wuxuuna guntiga geeyay labada Ruug, gacanta Bidix ayuu ku xidhaana Saacad yar oo caag ah.
Wuxuu ahaa Nin yar oo ku gaashaaman agabkiisa, sida Hadhuub uu geella ku maalo, gudin iyo Usha uu geella ku kaxeeyo, isla markaana Geella ayaa ka muuqda dhabarkiisa sawirka wiilkaa yar, iyadoo dhinaca geellu usii jeedo laga arkayo deeggaan Buuralay ah oo qurxoon, waxaana Wiilka yar ka muuqata kalsooni badan marka aad aragto qaabka uu u taagnaa iyo muuqaalkiisa markii laga qaadayay sawirkaa.
Muuqaalka sawirka Wiilkaa yar, ayaa noqday mid soo jiitay dad badan sida uu annigaba ii soo jiitay kumanaan qof oo Soomaali iyo ajaaniba leh, wuxuuna sababay in boqolaal qof oo Soomaali ah siyaabo kala duwan ugu isticmaalan Barraha bulshadda, gaar ahaan Facebook, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah sawirkaa gashadeen qaybtooda lahaanshaha sawirada ee Facebook, (Profile), isla markaana sida ka muuqata sawirkaa aan lagu xusin cida lahaanshihiisa iyo xuuquuqdiisa lahayd, goobta lagu qaaday xilliga iyo weliba cida qaaday iyo sababta loo qaaday sawirkaa la wada jeclaaday ee in badan oo ka mid ah bulshadda Soomaalidu u isticmaashay siyaalo kala duwan.
Markii ugu horaysay ee aan arkay muuqaalka sawirka Wiilka Yar oo runtii isoo jiitay, intii aannan qoraalka hoose arrkin waxa soo dhigay, Cumarr Qayaad oo ka mid ah dadka sida ba’an u isticmaala Facebook, ee aan asxaabta nahay, wuxuuna ka mid ahaa boqolaal qof oo sawirkan soo dhigay, kuwaas oo qofba sida uu doonno u isticmaalay, wuxuuna raaciyay qoraalkan, isagoo kaftamaya, “Yarkani wuxuu kasoo jeedaa deeggaamada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer, wuxuu hada xil ka hayaa xukuumada Muuse Biixi, (MadaxweynhabSomaliland), wuxuu raaciyay, car yaa garan kara ????
Jawaabo badan oo kala duwan, ayaa lagu boobay, wuxuuna qof walba ula kacay dhanka uu doono, Mustafe F Muse, wuxuu ku celiyay su’aal Cumar Qayaad, isagoo yidhi, “ Xilalku way badan yahiine maxaa loo dhiibay, ma ina mujaahid baa?
Qof sita Magaca Xayaad Bintu Xuseen, ayaa tidhi, “Maansha Allaah garta nin goyn kara, gulufkana nin geli kara” iyadoo u jeeda sawirka Wiilka Yar oo dabcan soo jiitay, xayaad.
Jawaabahaa iyo su’aalahaa iyo kuwo badan oo kale oo la raaciyay, ayaa ka mid ahaa tacliiqii faraha badnaa ee sawirkaa laga bixiyay.
Sidoo kale Muuqaalka sawirka Wiilkaa Yar, maaha meelaha loo isticmaalay Facebook oo keliya, balse sheekooyin mala-awaal ah oo la geliyay YouTube, ayaa loo adeegsaday sawirkan, iyadoo lagu xad gudbay xataa oo laga been sheegay qoyska wiilkaa yar, waxaana dadka sidaa sameeyay ka mid ah Nin magiciisa uu YouTube wax ku dhigo ku sheegay Mohamed Hussein, kaas oo magaca Wiilkaa oo uu sawirkisa u isticmaalay u bixiyay, “Geel Jire Axmed.”
Hase yeeshee, waxaan maalmo kadib ogaaday in sawirkaa oo dadka sawirada qiimeeyaa garan karaan inuu qaaday qof sawir qaade farshaxan ah oo ku xeel -dheer qaabka sawirada loo qaado uu asalkiisa lahaa saaxiibkay Kayse Faarax oo ka mid ah dadka looga danbeeyo qaadista sawirada iyo duubista muuqaalada, waxayna sheekadu ku timi si kaftan ah iyo falanqayn.
Kayse, wuxuu I tusay muuqaal uu xilligaa ka duubay Wiilka Yar iyo Sawirada uu ka qaaday, kuwaas oo aanu baahin weli oo ku jira kaydkiisa, wuxuuna I siiyay sawiarada markhaatiga ah ee ka muuqda sheekadan ee la xidhiidha Wiilkaa Yare e Khadar oo la socda geellashaa.
Sidoo kale Kayse, ayaa ii sheegay in Wiilkaa Yar oo magaciisu yahay, Khadar oo aannaan jeclayn inaan dhamaystiro magaciisa oo saddexan in sagaal sannadood ka hor xilli ku beegan 26 February , 2010, isaga iyo saaxiibaday Koox suxufiyiin ah oo ay ku wada socdeen oo kala ahaa, Xasan Maxamed Yuusuf, Khadar Maxamed Cakule, Xasan Maxamed jaamac (Xasan Panaroma) oo isna looga danbeeyo sawirada iyo duubista muuqaalada, iyagoo safar ay xilligaa ugu socdeen Magaalda Saylac ee xeebta galbeedka Somaliland si ay uga qaybgalaan xafladii Caleemo saarka Ugaaska 19aad ee Ciise, Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahin, waxayna Wiilka Yar goor galab ah kula kulmeen deegaanka Cali-xaydh ee Woqooyiga Hargeysa.
Muuqaal uu Kayse Faarax duubay xilligaa oo ku saabsan Wiilkaa Yar, waxa markii Sawirada uu ka qaaday Kayse Faarax, waxaa Waraysi kooban uu xiisanayo inuu wax ka weydiiyo Nollosha ula holaday Weriye Khadar Cakule oo Wiilkaa yar oo isaga dhawr Nin oo kale oo uu ugu yarhay ay wadeen geel qiyaastii shan Kadin ah, sida uu Kayse ii sheegay.
Wiilka yar, ayaa u sheegay Weriye Khadar Maxamed Cakule in Geellasha ay ka keeneen dhinaca Hawdka oo ay ku wadaan dhinaca xeebta , “Saddex Bilood maan arag reerkii Hooyaday iyo Aabaahay “ ayuu yidhi, Khadar yare oo ku qanacsan geella uu wado iyo weliba isagoo ahaa qofka ugu yar raga geelasha waday, wuxuuna u sawiray markii uu Weriye Khadar Cakule weydiiyay nolloshisa sida uu qanacsanyahay.
Sawirkaa lama garanayo sida loo kala sawirtay ee loogu cashariyay barraha bulshada, wuxuuna Kayse Faarax ii sheegay in dhawr sannadood uu ku arkayay sawirkaa dad si kala duwan iyo ujeedooyin u isticmaalaya,.
Sheekooyin badan ayaa la raaciyay sawirkaa, iyadoo weliba meelaha qaar sheekooyin aan ku haboonayn oo ay ka dhalan karaan dacwado, isla markaana ah gef iyo meel ka dhac xataa qoyskiisa lagaga been abuuray kadibna la saaray sawirkiisa laga sameeyay, taas oo gef ku ah xuquuqda qofka iyo weliba caruurta in sawiradooda sidan loo adeegsado, sidoo kale laga been sheego lahaanshaha sawir aanad lahayn oo weliba si khaldan aad u isticmaasho, amma sheekoyin aan jirin aad raaciso oo samays ah, isla markaana been ah, waana mid dhaqan ahaan, Islaam ahaan, Ummaad ahaan iyo Bini.aadam ahaanba aan wacnayn oo xadgudub ah.
marka laga yimaado sawirkan ay bulshada Soomaalida ee isticmaasha aaladaha dhinaaca Internenka ee baraha bulshada ay dhaqamada sidan oo kale kusoo badanayaan, waxa haboon kuwa sheekooyinka mala awaalka ah ee ka been sheegaya sawirka Wiilkaa yar iyo qoyskooda ee u adeegsaday Youtube iyo meelo kaleba ay la kulmi karaan in dacwado lala tiigsado, kadibna mag-dhaw aanay qadi karin lagu xukumo.
Si kastaba ha ahaatee waxa habboon in dhaqamada sidan oo kale ah ay joojiyaan dadka u isticmaala baraha bulshada sida Facebook, Youtube iyo kuwa kale sawiro aannay ogolaansho ka haysan cida lahaanshohooda lahayd, amma u adeegsada siyaabo khaldan oo ka baxsan ujeedadii loo qaaday iyo wixii loogu talagal;ay.
Sidaa awgeed Sawirka dooddaha Iyo Muranka ugu badani ka dhashay Lahaanshihiisa oo siyaabo kala duwan loo istcmaalay, isla markaana ka mid noqday Sawirada ugu caansan ee lagu bahiyay Boggaga Soomaalida ee Facebook, sannadii u danbeeyay waxa xuquuqdiisa lahaansho yeeshay Kayse Faarax oo ah sawir qaade Somaliland u dhashay oo deggan Hargeysa.
By. Arrraale Mohamoud Jaama Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.
jaamac132@gmail.com