X
    Categories: Qubanaha

Sagaal Arrimood oo ay Maalin Kasta Sameeyaan Dadka Guusha ka Gaadhay Dunida. Qormadii 3aad

Araweelo News Network

6. Naftooday wax baraan
Dadka guulaystay meel kasta oo ay adduunka ka joogaan waxbay ka bartaan. Daraasadda lagu sameeyey waxay muujiyeen badankoodu in 63% ka mid ah ay aad u dhegaystaan, daawadaan amma akhriyaan buugaagta ay aqoonta ka kasbanayaan, halka dadka saboolka ah 5% ka mid ah wax akhriyaan.

Waxa aad helaysaa buugaag dhegaysi ahaan loo beddelay oo aad ka heli karto goobo badan oo dunida ah, sida ThoughtAudio.com, OpenCulture.com iyo qaar kale oo badan.

7. Way is maalgashadaan
Maalgashigu waa shay aad u qiimo badan, haddii aad hanti badan haysato waa in aad maalgashi samaysataa. Waxa kaloo ay samaystaan dhigaal ay hadhaw naftooda ku maalgeliyaan si aanay cid ugu baahan.
Inta badan waxa la xusaa in dadka tujaarta ay ay haystaan lacag ku filan oo ay ku kaabi karaan noloshooda xataa haddii ay musalafaan, iyagoo ka fikira mustaqbalka hab nololeedkooda dambe sida uu noqon karo, haddii ay musalafaan.
8. Waqtigooda way xadidaan
Buugga ugu iibka badnaa wargeyska New York Times ee uu qoray Brendon Burchard, kaasoo muddo badan baadhitaan ku hayey dad guulaystay, isla markaana yeeshay hanti badan, waqtigana caan ka ah adduunka ayaa sheegay in waqtigooda ay xadidaan.
“Waxa aad samaysataa jadwal waqtigaaga ku astaysan, gaar ahaan waqti aad hal shay oo kaliya qabo. Waqtigaas u isticmaal inaad noloshaada horumariso, shay aad jeceshahay samee. Haddii aanad haysan waqti kuu astaysan, qabo wax ku dhaafi lahaa amma gacantaba ku hayso si aad u sii horumariso,” ayuu Mr. Brendon ku qoray mareegtiisa.
9. Waxay yaqanaan markay hawl-qabadyooda joojinayaan
Mid ka mid ah daraasado lagu daabacay mareegta inc.com oo Jamhuuriya soo xigtay, uuna diyaariyey nin la yidhaa Murray Newland oo ah la-taliye ganacsi abuurka ah waxa uu ku sheegay in dadka guulaystay inta badan ay yaqanaan waqtiga ay shaqada joojinayaan.
“Waxa u qorshaysan waqtiga dadka iskood u shaqaysta. Waxa aan aad u aqaan amma caadaystay shaqaysiga waqti dheer oo ilaa habeennimo ah. Markaan arrinka ka fikiro waxaan qabtaa shaqo guul ku lammaanaato. Waxaaad shaqada joojisaa 5:00 amma 600 p.m, hana qaban wax shaqo la xidhiidha, tusaale ahaan ha eegin telefoonkaaga amma farriimaha Emailska kuugu soo dhaca ilaa inta aad waqtiga shaqadaada ka gaadhayso,” ayuu daraasaddiisa ku sheegay Murray.

Dhammaad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post