X
    Categories: Qubanaha

Ruushka oo Diyaariyey Nukliyeer Sunaami ah oo Maraykanku Ku Qaraqmayo.

Araweelo News Network

Moscow(ANN)-Telegraph Sarkaal sare oo hore uga hawlgabay ciidamada Ruushka ayaa sheegay in wadankiisu Badda Atlantica gunteeda hoose ku diyaariyey quwad nuclier ah oo marka la rido kicinaysa mowjadaha badda oo qaabkii Sunaamiga oo kale ah, mowjadahaa badda oo jiidhi doona isla markaana burburin doona magaalooyin waaweyn oo Dalka maraykanka ka tirsan.
Wargayska Telegraph ee Dalka britain ayaa maanta oo Salaaso ahayd soo xigtay oo daabacay waraysi uu General Victor Paranets siiyey Wargayska dalka Ruushka ka soo baxa ee Cosmolskaya Pravd oo isagoo ka jawaabayey joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dalalka xuduuda la leh wadanka ruushka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan amniga guud ee Raashiya sheegay in Maraykanku ay Xuduudaha Ruushka ku soo daadguraynayaan Diyaaradahooda Dagaalka, taangiyada iyo ciidamadooda gaarka ah, laakiin iyaguna ay dhankooda si sahlan Gantaalo Nuclier ah ugu rakibeen gunta hoose ee Xeebaha Maraykanka.
“Gantaalahaa waxaa loo dhamaystiray diyaargarowgoodii waxana ay sugayaaan oo keliya awaamiirta madaxda raashiya’ sidaa waxaa Wargayska u sheegay generalka Ruushka ah ee Victor Paranets oo intaa ku daray in Magaalooyinka badda lagu dari doono ay ka mid yihiin Magaalooyinka Newyork iyo Miami, dalka Ruushkuna ay mar hore diyaarsadeen dariiqooyinkii ay isku difaaci lahaayeen.
dhanka kale mas’uul u hadlay Xukuumada Ruushka ayaa isagu hoos u dhigay in wax ka jiraan warbixinta general-ka sida ay daabacday Jariirada Daily mail ee Dalka Britain.
Hussein kurdi
xogta dunida.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post