X

Ruushka Iyo Kuuriyada Waqooyi Oo Kulan Xaasaasi Ah Ku Yeeshay Bariga Fog Iyo Balanqaadka Kim Jong Un

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, goobta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, 13 Sep 2023. Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Metwork.

 

Moscow(ANN)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Arbacadii la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, xilli ay labadooduba gaadheen goobta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, halkaas oo lagu wado in labada hoggaamiye ku yeeshaan wadahadal naadir ah oo xaasasi ah.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay meel aad u fog oo laga soo tuuro gantaalada Siberian, waxayna ku bilaabeen kormeerka gantaalada hawada sare ee loo yaqaan Soyuz-2.

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim waxa uu Putin u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay si wada jir ah ula kaashan doonto Ruushka, isagoo ku tilmaamay dagaalka ka dhanka ah Imperialism-ka, taas oo u muuqata mid tixraacaysa duulaanka Moscow ee Ukraine iyo jawaabta reer Galbeedka.

 

“Ruushka wuxuu u kacay dagaal muqadas ah si uu u ilaaliyo madax-banaanidiisa iyo ammaankiisa oo kasoo horjeeda ciidamada u adeegaya (hegemonism), taas oo ah mid la doonayo in juquraafi siyaasadeed oo ku salaysan ka sarraynta dhaqameed ee waddan ka jira wadamada kale loo raro, taas oo ah siyaasada ay wadaan quwadaha waaweyn ee la aasaasay gumaysigii reer Yurub ee Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika.” ayuu yidhi, Kim.

“ Waxaan mar walba taageeri doonaa go’aamada Madaxweyne Putin iyo hoggaanka Ruushka. Kim ayaa sidaa u sheegay Madaxweynaha Ruushka Putin oo loo turjumay.

 

Kulanka Labada hoggaamiye ayaa si weyn ugu abuuray wallaac dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo xullufaddiisa NATO, oo u muuqda in siyaasad ahaan lagaga adkaaday dagaalka Ukraine.

General Sir Richard Shirreff oo ka fadhiistay ciidamada Britain ayaa sheegay in NATO ay ugu dambeyntii u baahan karto innay qabato howlgalo ka dhan ah Ruushka haddii dagaalka Ukraine uu sii dheeraado oo uu noqdo “xannuun socda” oo kusii socda Bariga Yurub.

Taliye ku xigeenkii hore ee Isbahaysiga Sare ee Yurub, ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta reer galbeedka  in is-xilqaanka reer Galbeedka ay sii dheereeyeen dagaalka iyo in habka ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo saber-ka Nukliyeerka ee Kremlin, isagoo xusay in ay tahay in la dhiso difaac caadi ah oo lagu kalsoonaan karo NATO.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post