X
    Categories: Qubanaha

Raysal-wasaarihii Hore Ee Britain Mr. Tony Blair Oo Shaaciyey inuu Qur’aanka Kariimka Ah Akhriyo Maalin Kasta

Araweelo News Network

Tony Blair

London (ANN)Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Mr. Tony Blair, ayaa shaaciyey inuu si joogto ah u akhristo kitaabka qur’aanka kariimka ah ilaa waqtigii uu xilka Ra’iisal-wasaaranimo ka degay sannadkii 2007.
Mr. Blair oo waraysi siiyey wargeyska The Observer Magazine toddobaadkan oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa uu sheegay, “In aad noqoto qof awood u leh inay bartaan diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan waa arrin muhiim ah waqtigan casriga ah ee adduunku isku sii xidhmayo, anniguna taas waan rumaysanahay. Maalin kasta waxa aan akhristaa qur’aanka si aan wax uga fahmo waxyaabaha faraha badan ee adduunka ka dhacaya waqtigan lagu jiro.”
Tony Blair oo hadda ah ergayga gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan dalalka Bariga Dhexe waxa kaloo tilmaamay in aqoonta uu doonayo inuu u yeesho diinta islaamku ay door muhiim ah ka qaadan karto hawlaha shaqo ee uu ka hayo Bariga Dhexe oo ay ugu horreyso xallinta khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.
“Kitaabka qur’aanka ah waa kitaab waqti kasta la nool oo wax kasta ka warramaya, waxa uu koobsanayaa aqoonta sayniska, nolosha bani’aadamka, dawladnimada, guurka, dumarka iyo wax kasta oo cilmi ah,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, gabadh ay walaalo yihiin Ra’iisal-wasaarihii hore ee Ingiriiska oo la yidhaa Cherie Blair, ayaa hore ugu dhawaaqday inay qaadatay diinta islaamka bishii October ee sannadkii 2015, balse Tony Blair ayaan caddayn inuu qaaday diinta islaamka, hase ahaatee waxa uu xaqiijiyey inuu ku raaxaysto akhriska qur’aanka kariimka ah.
Mr. Blair waxa uu UK ku hoggaamiyey dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ee xukunka lagaga tuuray Mr. Saddam Husein, isagoo markii dambe ee uu xilka ka degay qiray in sifo khalad ah loo weeraray Ciraaq, ayaa haddana markale beeniyey in dagaalkaasi ahaa mid la xidhiidha dhinaca diinta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post