X
    Categories: Qubanaha

Qoyskaaga Oo Burbura Horumar kaama Hor-istaagayo: James H. Clark

Araweelo News Network


James H. Clark, waxa laga eryey dugsigii uu dhiganayey, laakiin waxa uu aakhirkii ku guulaystay inuu shahaadada ugu sarraysa ee diktooraydka (PhD) ku diyaariyo cilmiga kombuyuutarka, aakhirkiina ka mid noqdo dadka wax ku soo biiriyey internetka iyo tiknoolajiyada waqtigan laga isticmaalo caalamka.
Waxa loo yaqaan inuu yahay aabbaha nashqadaynta Kombuyuutarka (Computer graphics). Waxa kaloo uu ka mid yahay ragga aasaasay shirkadda Netscape Communication oo ah shirkad amma shabakad internet. Sidoo kale waa ninka sameeyey dot.com oo aad caan uga ah suuqa Maraykanka, gaar ahaan intii lagu guda jiray 1990aadkii. Shakhsi ahaan waxa loo yaqaan inuu ka mid yahay dadka tirada yar ee garaadkoodu sarreeyo.
Mr. Clark intii uu yaraa amma carruurnimadiisii wuxuu soo maray dhibaatooyin aad u badan. Aabbihii waxa uu ahaa nin khamriyo cab ah, aadna ugu tacadiya xaaskiisa. Waalidkii waxay kala tageen isagoo 14 jir ah. Mr. Clark iyo walaalkii waxa soo korisay hooyadii oo mushahar yar oo ay qaadan jirtay noloshooda kula tacaashay, balse Clark waxa dhawr jeer la xidhiidhay Aabbihii.
Intii uu dugsiga sare ku jiray waxa dhawr jeer lagaga eryey dugsiga falal uu ku kacay iyo waliba inuu casharo garan waayo. Tusaale ahaan, waxa jirtay waqti macallin Ingiriisiga u dhigaa uu ku ciqaabay gabay uu akhriyi kari waayey, gaar ahaan gabay la yidhaa The rime of the Ancient Mariner. Waxa uu macallimadaas Clark ku yidhi; “Cadaabta qabo,” (Go to hell). Waxa sidoo kale waxbarashada looga eryey mar uu baskii uu raacayey ku sii dhex daayey walax bambo u eeg oo qiiq sii daynaysa.
Ninkan la yidhaah Clark, waxa uu aakhirkii ku biiray ciidammada, muddo sagaal bilood ah markii uu badda ku jiray, waxa uu galay tijaabo xisaab ah, kadibna wuxuu keenay darajo aad u sarraysa, taasi waxay keentay inuu waxbarashada dib ugu noqdo. Dedaal dheer oo uu sameeyey waxa u fududaatay inuu shahaadada koowaad iyo labaad (bachelor and Master degrees) ka diyaariyo cilmiga Fiisigiska, aakhirkiina dhakhtaraydka ku diyaariyo cilmiga komubyuutarka. Waxa uu sidaa ku noqday macallin Jaamacdeed (University Professor).
Cilmi-baadhista uu sameeyey Mr. Clark waxay kombuyuutarada u saamaxday in nashqada lagu dejin karo (Graphics). Waxa uu aasaasay Silicon Graphics shirkad la yidhaa oo adduunka hoggaanka u qabatay nashqadaynta iyo qurxinta muqaaladda lagu sameeyo kombuyuutarka, waxa tusaale u ah filimka la yidhaa Star Wars (Dagaalkii Xiddiga) oo shirkadda filimada soo saarta ee Hollywood caanka ka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post