X
    Categories: Qubanaha

Qoraa Aflagaadeeyey Diinta Iyo Caqiidada Suuban Ee Islaamka Oo Lagu Dilay Dalka Urdun

Araweelo News Network

Nahiid Xataar

Oman(ANN)Qoraa Carbeed oo Kiristaan ah, isla markaama hore u aflegaadeeyey diinta iyo caqiidada suubban ee islaamka, ayaa toogasho lagu khaarajiyey magaalada Cammaan ee caasimadda dalka Urdun.

Nahiid Xataar oo ahaa qoraa iyo saxafi falanqeeya arrimaha siyaasadda, da’diisuna ahayd 66 jir, ayaa dablay aan haybtooda weli la aqoonsan saddex xabbadood oo rasaas ah madaxa kaga dhufteen xilli uu sii galayey dhismaha maxkamad ku taalla badhtamaha magaalada Cammaan gelinkii hore ee shalay, halkaasna ku geeriyooday.
Qoraaga Kiristaan ah ee la dilay ayaa qorshuhu ahaa in maxkamad ku taal caasimadda dalka Urdun lagu soo taago shalay eedaymo la xidhiidha sawir-gacmeed uu ku aflegaadeeyey Ilaahay (SWT) iyo diinta islaamka oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta bulshadu ku wada xidhiidhaan ee Facebook dhowr bilood ka hor, iyadoo arrintaasina aad uga cadhiisay dadyowga muslimiinta caalamka.
Mr. Nahiid Xataar oo la sheegay inuu taageero u ahaa Madaxweynaha dalka dagaallada qadhaadh ka socdaan ee Suuriya Mr. Bashar Al-asad waxa laga sii daayey dhowaan xabsi ku yaal magaalada Cammaan, iyadoo marar badan loogu hanjabay in la dili doono, sida uu sheegay walaalkii u sheegay warbaahinta dalkaas.
Dhinaca kale, Wakaaladda Wararka Urdun ee PETRO, ayaa baahisay in la qabtay ninka toogashada ku dilay qoraaga aflegaadeeyey diinta islaamka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post