X
    Categories: Qubanaha

Qisooyin ku Saabsan Dadka Ingiriis ah oo soo Islaamay iyo Sababihii soo Haddeeyey, Q/Labaad. By, Abdullaahi Beershia

Denise Horsley oo ahayd Macallimand Qoob-ka-ciyaarka ah
“Waxa aan maktabada ku qaatay saacado badan, gaar ahaan maktabada masaajidka ku yaala Regent, kadib waxa nakhriyey wax kasta oo ku saabsan xuquuqda haweenka, ka hor intii aanan tukan salaadii ugu horraysay, waxaan xasuusta anigoo gaadhigayga fadhiya, moobaylkaygana ka daawanaya sida loo tukado, waanan ogaa in dadku garan karaayeen in aanay Muslim ahayn, balse qofna dan igumuu darsan.
Intii lagu gudda jiray bishii Ramadaa waan iska fadhiyey, waxaanan dhegaysanaayey Quraan, waxaanan dareemaayey degenaansho iyo diirimaad. Maalin maalmaha ka mid ah waxaan go’aansaday in aan Tawaxiidka la ii qabto amma aan ashahaato. kadib waxaan u dhaqaaqay qof masaajidkaas soo dhawaynta u qaabilsana, diyaar baan u ahaa in aan Muslin noqdo, aad bay u fududayd.
Markay arrintaasi dhacday qoyskayga iyo asaxaabtaydii way wada argagaxeen, waxaanay iga filaayeen in aan maalin uun ka qaybgalaayo xaflad la isku kiristaamaynaayo, balse way igu taageereen go’aankayga, sababtoo ah waxay aad u danaynaayeen in ay farxadayda arkaan iyo sida aan u ugu niyadsamahay,” ayey tidhi iyadoo ka hadlaysay siday Muslimka u noqotay haweenaydan.
Haweenaydan waxay ku kortay nololk Kiristaan ah, waxaay dhigan jirtay dugsi Catholic ah, waxaanay u aragtay in diinta Islamku tahay mid dhexdhexaad ah, waxaannu Quranku uga jawaabay su’aalo badan oo ay Nebbi Ciise (SCW) iyo hooyadii Maryam ka qabtay iyo waliba malaa’igta iyo waxyaob badan oo adduunka ku saabsan.
Waxa markii hore ku adkaatay in ay xijaabka xidhato, isna asturto, balse aakhirkii waxay dareentay in Hijaabku diinta qayb muhiim ah ka yahay oo aanu maryo kaliya ahayn, waxaanay dareentay markay xijaabka xidhatay in jidhkeedu ammaan ku jiro, kalsooni badana wuu u yeelay, dadkuna ay aad u ixtiramaan.
“Waxaan xasuusta maalin anigoo bas saaran ayaa gabadh loo sheegay in aan Islaam noqday ay aad u cadhootay, kadibna ay aflagaado igula kacday. Waxa kale oo aan go’aansaday in asaxaabtayda qaar badan aanay ila soo hadal, sababtoo ah waxay iga codsanaayeen in aan meelaha lagu caweeyo u raaco, khamri la cabo, balse waxaan ku wareliyey in aan hadda ka waantoobay oo caqiidada aan qaatay aanay ogolayn,” ayey tidhi Denise.
la soco…

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post