X
    Categories: Qubanaha

Qiso Cajiiba: ‘Waxaan Qorsheeyey in aan Islaamka Burburiyo, Balse Waan Muslimay’ Qormada 3aad

Araweelo News Network

Walaalkaygii Muslimka ahaa ayaa habeen habeennada ka mid ah ila soo xidhiidhay, waxa uu iiga sheekeeyey koox Muslimiin ah oo soo booqda tuulada. Waxa uu iga codsaday inaan la kulmo. Waan ka aqbalay. Waxa aan u diyaar garoobay si aan ula kulmo cishaayiga kadib.
Waxa la iigu soo dhaweeyey qol ay joogeen 20 nin, kadib waxa la ii banneeyey meel aan fadhiisto, kadibna waxa aan si toos ah u wajahay nin wayeel ah oo Bakistaani ah.
Alle Mahadii wuxuu ahaa nin aad u aqoon badan oo diinta Kiristaankana aad u yaqaan. Aniga iyo isaguba waxaannu ka doodnay waxa ay ku kala duwan yihiin Qu’aranka iyo Bible ilaa intii salaadda subax laga gaadhayey. Doodayadu waxay ahayd mid cilmi ku dhisan oo la is qancinayey, markii aan in badan dhegaystay ninkan caqliga badan, waxa uu xataa ii sheegay waxyaabo badan oo aan fasalkii Kiristaanka ku qaatay, waxa uu iigu baaqay inaan Muslimo, taasoo aan cidi hore iigula soo dhiiran.
Muddo saddex sanno oo aan baadhitaan iyo cilmi-baadhis ku jiray cidi iigumay baaqin in aan Muslim noqdo. Waa la I caayey, la ila dooday, balse ma helin baaqan oo kale.
Waan fikiray, way I taabatay arrintiisaas, horena waan u soo dhawaaday oo fahan badan baan diinta ka qaatay, waxaanan xaqiiqsaday in ay tahay waqtigan kaan sugayey.
Waxa aan ogaa in ay tahay runtii aan doonayey, waxaanay noqotay in aan go’aan qaato. Alle mahadii, waxa furmay qalbigaygii iyo iimaankaygii, waxaanan idhi “Waayahay, waxaan doonayaa inaan Muslim noqdo.”
Waxa markiiba la ii qabtay Shahaadada oo aan Ingiriisi iyo Carabi labadaba ku dhawaaqay. Markii aan Ashahaatay, waxaan dareemay dareen aanan waligay arag. Waxa i fuulay culays jidh ahaaneed oo dhinaca laabta ah. Waxa igu adkaatay nefta sidii oo aan markii ugu horraysay adduunka korkiisa ku neefsaday.
“Alxamudulillah, Alle ayaa I siiyey nolol cusub, waan daahiray, fursad aan jannada uga faa’iidaystona waan helay, waxaanan u tukaday sidii oo aan noolaanayo inta noloshayda ka hadhay, Muslimnimana ku dhimanayo,” ayey ku soo gebagebaysay qisadeeda iyo siday u dhacday u digo rogashadeedii muslimnimo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post