X
    Categories: Qubanaha

Qiso Cajiiba: ‘Waxaan Qorsheeyey in aan Islaamka Burburiyo, Balse Waan Muslimay’ Qormada 2aad

Araweelo News Network


Markii aan bartay diinta islaamka iyo dhammaan shareecada ee aan si khaldan u isticmaalay muddooyinkii hore, aakhirkii waxa i galay dareen xiiso ah oo ii jiiday in aan hoos ugu dhaadhaco, dhadhamiyana macnaha dhabta ah ee dhuuxa islaamnimada ku jira. Macno ayey ii samaysay, cabsi badan baa I gashay, sidaa darteed si aan bal arrintan uga falceliyo, waxaan bilaabay inaan dhigto fasalo Kiristaanka la igu barayey.
Waxa aan doortay macallin (Professor) Jaamacadda ah, waliba karaamo aad u weyn loo qabay, isla markaana sita shahaadada ugu sarraysa ee Ph.D, gaar ahaan wuxuu Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ka dhammeeyey cilmiga barashada diimaha (Theology). Waxa markii ugu horraysay aan dareemay in aan gacan wanaagsan ku jiro.
Sidaan u malaynayey bay ahayd, balse way is beddeshay, sababtoo ah macallinka wax ii dhigayey wuxuu aaminsanaa xornimada amma in qof kasta uu raadsado waxa dhabta ah ee ku habboon (Unitarian Christian). Muu aaminsanayn sida Kiristaanka kale aaminsanaayeen ee ah in Nebbi Ciise yahay Ilaah amma sarreeye. Dhab ahaantii wuxuu aaminsanaa in Ciise yahay Nebi.
Waxa uu markiiba bilaabay inuu kitaabka baybalka si fiican ii baro, gaar ahaan inuu ii tuso mid luqadda Giriigga, Hebrew (Luqada Yuhuudda) iyo Amxaariga ku qoran, waxaannu i tusay sida loo bedbeddealy. Kadib, waxa uu I baray taariikhda Kiristaanku siday u qaabaysan tahay iyo dhalan-rogga ku dhacay.
Markii aan dhammaystay fasalkaas, waxa burburtay diintii aan haystay, balse wali diyaar umaan noqon in aan aqbalo Islaamka.
Waxa aan sii waday in aan naftayda wax u barto iyo noloshayda dambe. Waxa ay igu qaadatay safarkaas waxbarasho ee marxaladda isbedbeddel marayey muddo saddex sanno ah. Waxa aan su’aallo waydiiyey Muslimiinta oo aan waydiiyey waxyaabahay rumaysan yihiin. Mid ka mid ah dadkii aan su’aalaha waydiinayey waxa uu ahaa wiil ka tirsan Ururka Ardayda Muslimiinta ah oo la odhan jiray MSA (Muslim Student’s Association). Alle mahadii waxa uu markiiba arkay in aan diinta xiisaynayo, waxaannu ku dedaalay inuu Islaamka si fiican ii baro. Waxa uu fursad kasta oo uu helo ii soo bandhigi jiray Islaamka, isagoo macno iyo qancin saarayey doodiisa…. La soco…

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post