X
    Categories: Qubanaha

Qareen ku Dacweeyey Shirkad Diyaaradeed Nin Buuran oo lala Fadhiisiyay

Araweelo News Network

Nin qareen ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airline ku dacweeyey inay ag fadhiisiyeen nin buuran sagaal saacadood oo uu diyaaradda ku safrayey, taasina ku keentay inuu diiqad dareemo.
Qareenkan oo la yidhaa Giorgio Destro oo diyaaradda ka raacay magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika, una socday magaalada Venica ee Talyaaniga, ayaa sheegay in ninka rakaabka ah ee buuran naqaska ku dhejiyey, cidhiidhi badanna geliyey intii uu safarka ku jiray, sida wargeyska The Sun daabacay oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kale oo saxaafadda Talyaanigu qortay in qareen Destro uu ka mid ahaa macaamiisha aadka ay u jeceshahay shirkadda diyaaradda Emirates, waxaannu looyarku sheegay inuu dhib ka mutay safarkaas dheer iyo ninka lala fadhiisiyey.
“Sagaal saacadood waxay noqotay inaan istaago amma aan fadhiisto kursi shaqaaluhu lahaa marka ay ka kacaan, markii ugu dambaysayna ee diyaaraddu safarkeeda soo gebagebaysayna waaban cidhiidhi noqday, rakaabka igu xigayna dhib buu lahaa,” ayuu ku yidhi ninka looyarka ah ee dacwadda ku furay shirkadda diyaaradaha.
Qareenkan waxa uu iska qaaday sawir si uu u muujiyo cidhiidhaga ninka buuran geliyey, dacwaddiisuna u guulaysato, caddayn ahaanna ugu isticmaalo.
Dacwaddiisa oo uu bilaabay 2, July 2016, waxa uu kaga dalbaday shirkadda diyaaradaha in la siiyo lacag dhan £653.87 (lix boqol, saddex iyo kontan, dhibic, siddeetan iyo toddoba senti) giniga Ingiriiska ah oo ah kharashkii diyaaradda kaga baxay iyo £1,721.81 ginni oo magdhaw ah. Dhegaysiga dacwaddan oo dhacday bishii hore ayaa ilaa hadda aan xukunkeeda lagu dhawaaqin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post