X
    Categories: Qubanaha

Oday Sideetan Jir Ah Oo Guursaday Haweenay Lixdan Jir Ah Kana Waramay Sababta Uu U Doortay Iyo Jacaylka Dhexmaray

Araweelo News Network

 

Odayga Caruuska ah Cabdullaahi Ibraahim Roobow Iyo Haeenayda uu Calmaday

Mandheera Kenya-(ANN)-Dhacdo aad u xiiso badan oo soo Jiidatay rayulcaamka Bulshada Soomaalida, ayaa ka dhacday Magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee Soomaalida.

Dhacdadan ayaa ah Oday Soomaali ah oo ka mid ah Bulshada deegaanka, Isla markaana Magaalada Mandheera aad looga yaqaan oo da’adiisa ku sheegay 80 Jir, ayaa guursaday Haweenay 60 jir ah  oo jacayl dhexmaray.

Odayga Caruuska ah oo magaciisu yahay Cabdullaahi Ibraahim Roobow maaha qofkii ugu horeeyay Bulshada Soomaalida ee guursada isagoo cimrigiisu gaadhay 80 Jir, balse inta badan Odayaasha da’adiisa ah, waxay guursadaan gabdho yar yar, iyadoo qaarkood guursadaan hablaha da’adoodu Ka yar tahay 20 jir, waana sababta guurkiisu usoo jiitay rayulcaamka Bulshada Soomaalida.

Hase yeeshee Caruuska  80 jirka ah, ayaa ka waramay  sababta uu u  calmaday haweenaydaa  60 jirka ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  ku doodayaa in dadka isku da’da ah inay isguursadaan ay ka wanaagsan tahay in la isku khasbo kuwo aan isqaadi karin.

Haddaba ninkaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ibraahim Roobow oo ku magac dheer Cabdullaahi Y Y ayaa khadka taleefanka ugu warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo ka mid ah Weriyayaasha BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga.

 

Halkan Ka dhegeyso waraysiga la qaaday Oday Cabdullaahi Ibraahim Roobow oo jacaylka dhexmaray Haweenaydaa Riix.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post