Araweelo News Network
Mandheera Kenya-(ANN)-Dhacdo aad u xiiso badan oo soo Jiidatay rayulcaamka Bulshada Soomaalida, ayaa ka dhacday Magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee Soomaalida.
Dhacdadan ayaa ah Oday Soomaali ah oo ka mid ah Bulshada deegaanka, Isla markaana Magaalada Mandheera aad looga yaqaan oo da’adiisa ku sheegay 80 Jir, ayaa guursaday Haweenay 60 jir ah oo jacayl dhexmaray.
Odayga Caruuska ah oo magaciisu yahay Cabdullaahi Ibraahim Roobow maaha qofkii ugu horeeyay Bulshada Soomaalida ee guursada isagoo cimrigiisu gaadhay 80 Jir, balse inta badan Odayaasha da’adiisa ah, waxay guursadaan gabdho yar yar, iyadoo qaarkood guursadaan hablaha da’adoodu Ka yar tahay 20 jir, waana sababta guurkiisu usoo jiitay rayulcaamka Bulshada Soomaalida.
Hase yeeshee Caruuska 80 jirka ah, ayaa ka waramay sababta uu u calmaday haweenaydaa 60 jirka ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya ku doodayaa in dadka isku da’da ah inay isguursadaan ay ka wanaagsan tahay in la isku khasbo kuwo aan isqaadi karin.
Haddaba ninkaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ibraahim Roobow oo ku magac dheer Cabdullaahi Y Y ayaa khadka taleefanka ugu warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo ka mid ah Weriyayaasha BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga.