X
    Categories: Qubanaha

Obama oo Sheegay inuu la Kulmay Takoor Muddada uu Xilka Madaxweynaha Maraykanka Hayey

Araweelo News Network

Madaxweynaha hadda dhiibaya xilka Aqalka Cad ee Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa dibadda u soo saaray arrin naxdin badan, kadib markii uu caddeeyey inuu la kulmay midab-takoor aad u badan intii uu xilka madaxweynenimo hayey.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Obama in masuuliyiin badan oo xukuumadiisa ka mid ah iyo muwaadiniin badan oo uu la kulmay ay u arkayeen qof ajenebi ah inuu ahaa.
“Xaqiiqdu waa in asalnimada Ameerika aanay ahayn hidde-side (genetic) amma u dhalasho, maxaa yeelay haddii sharcigu aannu sidaa ahaan maamulidda dalku macno ma samayseen. Waa arrin dhaqan, waa aragti dadku u arkaan in asalnimada lagu kala duwan yahay, waxaan la kulmay cadaadis badan, balse waan ka baxay. Waxaan u malaynayaa in ay jirto sabab keentay in madaxweynenimadaydu u kala duwanaato dadka caddaanka ah ee gobollada woqooyi deggan iyo kuwa madow ee koonfurta. Waxa jiray qaar ii arkayey inaan ahay ejenebi iyo kuwo kale oo caddaalad-darro igula dhaqmayey,” ayuu yidhi Madaxweyne Obama oo ay waraysi siiyey Fareed Zakaria oo CNN ka tirsan oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.
Madaxweyna Brack Obama waxa uu sheegay in midabka maqaarka jidhkiisu keenay in dad badan oo caddaan ah si khaldan u fikiraan oo aragti gurracan haystaan madaxweynenimadiisa, “Waxaan u malaynayaa in ay jirto sabab amma dabeecad keentay in madaxtinimadaydu dadka caddaanka ah ku kala aragti duwanadaan.”
Khubarada siyaasadda Maraykanka falanqeeya sida David Axelrod oo ah Madaxa Mac-hadka Siyaasadda ee Chicago, ayaa sheegay in aan muran ka taagnayn inuu Obama la kulmay mucaaridad iyo ixtiraam la’aan badan intii uu shaqada hayey.
“Uma malaynayno dhab ahaantii inaad halkan sii joogayso, balse dadka Ameerika ayaa sidaa u malaynaya, sidaa darteed waannu kula shaqaynaynaa,” ayuu yidhi David Axelrod.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post