Araweelo News Network

Buug uu qoray hoggaamiyihii Naasiga ahaa ee xukumi jiray dalka Jarmalka Mr. Adolf Hitler oo laga helay guri uu ku lahaa magaalada Munich, ayaa lagu soo bandhigay xarun xaraash oo Maraykanka ku taal si loo iibiyo Jimcihii toddobaadkan.
buug ahitler
Buugga oo uu ku dahaadhan yahay harag cas, waxaa lagu kala ku iibisaday $20.655 (labatan kun, lix boqol, shan iyo konton dollar) kaasoo askarta Maraykanku ka heleen waqtigii ay qabsadeen magaalada Munich dhammaadkii dagaalkii 2aad ee adduunka sida ay sheegeen masuuliyiinta xarunta xaraashka samaynaysay oo la yidhaa Alexander Historical Auctions.
Waxa kale oo ay sheegeen in buugga Hitler uu ilaashaday, mararka qaarna hadyad u siin jiray dadka madaxda ah.
Waraaqda caddaynaysa cidda heshay waxa ku saxeexan 11 sarkaal oo ciidammada hubka culus ee Maraykanka ka tirsan (US Field Artillery), gaar ahaan unug la odhan jiray 45th Infantry Division oo ahaa askartii ugu horraysay ee gudaha u gashay Munich.
“Waa laga keenay guriga Adolph Huitler ee magaalada Munichi May 2, 945kii,” ayuu qoray mid ka mid ah askartaas oo saxeexiisu la socdeen 10 kale oo sarkaal oo nuqulkan helay.
Bishii August 20, 2015kii ayaa waraaq ka timi gabadh uu dhalay kabtan la yidhaa Daniel Allen oo ka tirsanaa unuggii buuggan helay ee 45 Infantry Division, ay ku sheegtay in aabbaheed oo ka mid ahaa ciidammada afantariga ee hubka culus uu buuggan gurigooda keenay markii dagaalku dhammaaday.
Waxa buuggan iliaa hadda loo hayaa 10 dalab oo isugu jira telefoon iyo internetka amma online, waxaana buugga iibsaday nin Amerikan ah sida guriga xaraashka ee Shesepeake City ee magaalada Maryland u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP, waxaana markii hore la siistay $12,000 ilaa $15,000 doollar.
Hoggaamiyihii Jarmalka, ayaa buuggan oo ciwaankiisu yahay ‘Halgankaygii” uu qoray sannadkii 1924kii, markaas oo loo xidhay inuu khiyaamo qaran ku kacay oo ku saabsanayd afgambi guul darraystay oo uu damacsanaa inuu xilka kaga qaado dawladdii la odhan jiray Bavarian State Government.
Buuggan waxa ku qoran aragtiyo siyaasi ah iyo siro aad u badan oo uu u soo joogay iyo waliba sida uu u necbaa Yuhuudda, waxa ku kalifay nacaybkooda keenay aakhirkii inuu xasuuqo amma isku dayo cidhib tirkooda.
Nuqulka Jimcihii la kala iibsaday waxa uu ahaa 354 bog iyo waliba caddadkii 2aad (volume II), taasoo lagu daabacay madbacaddii Nazi ee Verlag Franz Eher bishii ee magaalada Munich, sannadkii 1927kii.
Buuggan waxa malaayiin nuqul laga daabacay markii Hilter xukunka Jarmalka qabsaday sannadkii 1933kii ilaa intii uu dhacayey 1945kii. Laga soo bilaabo sannadkii 1936kii, dawladdii Nazi waxay buuggan hadiyad ahaan u siin jiray dadka is aroosta.
Nuqullo cusub oo buuggan ah ayaa Jarmalka lagu daabacay bishii January markii ugu horraysay laga soo bilaabo dagaalkii 2aad ee adduunka wixii ka dambeeyey.
Muddo 70 sanno ah ayaa maamulka Bavarian ee dalka Jarmalka ka talinayey uu diidanaa in la ogolaado dib u daabicista buuggan, sababo la xidhiidha dadkii Nazi waxyeeleeyey aawadood iyo si looga hortago nacayb dambe oo soo curta.
Bishii February ee sannadkii 2014-kii, ayaa laba nuqul oo buugga “Mein Kampf” amma Halgankaygii oo ay ku saxeexan yahay Hitler oo yar xaraash ahaan loogu iibiyey magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, iyadoo la kala siistay $64,850 doollar.
buug ahitler